4 Soomaali ah oo ku dhimatay saxaraha

tahriibayaal yaman
tahriibayaal yaman

Ilaa 4 dhalinyaro Soomaaliyeed ah ayaa lagu soo waramayaa ineey ku dhinteen saxaraha u dhaxeeya Dalalka Suudaan iyo Masar.

Dhalinyaradan ayaa safar tahriib ah kaga baxay magaalada Kharduum iyaga oo beegsanayey inay gaadhaan magaalada Qaahira.

Xamse Garaad Yuusuf oo la socday dhalinyarada geeriyootay ayaa VOA u xaqiijiyey inay ahaayeen laba gaadhi oo ay la socdeen illaa 24 qof, wuxuuna sheegay in intii kale ay badbaadeen oo haatan ay ku sugan yihiin magaalada Qaahira.

Waxaa xilliyadan soo badanaya dhalinyarada Soomaalida ah ee beegsanaya dalka Masar si ay ugaga sii gudbaan hab qarsoodi ah dalka Talyaaniga.

Warbixinta Tahriibeyaasha Dhintay

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.