Xildh. mooshinka wada oo diiday baaqa beesha Caalamka

Xildhibaanada hor boodaya Mooshinka ka dhanka ah M/weynaha Soomaaliya, ayaa maanta shir ay ku yeesheen magaalada Muqdisho, waxay si rasmi ah ugu hor yimaadeen baaqii beesha Caalamka ee ahaa in la joojiyo Mooshinka.

xoosh (1)

Xildhibaanadan ayaa waxay Beesha Caalamka ugu baaqeen ineeysan soo faragalin arrimaha Soomaaliya, islamarkaasina ay iyaga xalisan karaan arimahooda hoose iyo Khilaafaadka soo kala dhex gala.

Maxamed Ismaaciil Shuuriye, oo ka mid ah xildhibaannada mooshinka keenay, ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay faraha kala baxaan arrimaha dastuuriga ah oo ay xildhibaanada Soomaaliyeed ku ixtiraamaan howshooda.

Xildhibaannadan ayaa sheegay in mooshinkan aanu waxba burburinayn, balse uu wax saxayo, islamarkaana ay ka go’an tahay inay sii ambaqaadaan howlaha mooshinka.

Maxamed Ismaaciil Shuuriye, oo ka mid ah xildhibaannada mooshinka keenay, ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay faraha kala baxaan arrimaha dastuuriga ah oo ay xildhibaanada Soomaaliyeed ku ixtiraamaan howshooda.

Shalay ayay ahayd markii xubno ka tirsan Beesha Caalamka shir ay Muqdisho ku yeesheen ay soo saaraan baaq ku aadan in Xildhibaanada wada Mooshinka ka dhanka ah M/weynaha ay joojiyaan Mooshinka.

Halkaan ka dhagayso wareysi ku saabsan arintaas:

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.