Ciidamada DF & kuwa Al-shabaab oo Bakool ku dagaalamay

Ciidamada milatariga Soomaaliya
Ciidamada milatariga Soomaaliya

Wararka naga soo gaaraya deegaanka (Ceelbaar) ee u dhaxeeya Degmooyinka Xudur & Waajid, ayaa sheegaya in halkaas uu dagaal qaraar maanta ku dhex maray ciidamada Doowlada Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee Gobolka Bakool Cabdinur Maxamed Xasan oo u warramay VOA ayaa sheegay in degaalka oo ay qaadeen ciidanka Dowlada ay ku dileen tobaneeyo ka tirsan maleeshiyada Al Shabab.

Cabdinuur ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya dagaalka looga dilay shan askari, inkasta oo wararka qaar ay sheegayaan in dhimashada ciidanka dowladda ay dhan tahay 10 askari..

Halkan ka dhagayso wareysi la xiriira dagaalka Bakool:

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.