Duqeyn lala beegsaday Gaadiid ay Al-shabaab wateen

DuqeynDuqeyn ayaa lala beegsaday Gaadiid ay wateen dagaalyahano Al-shabaab katirsan, kuwaasoo marayay deegaanka Masagawaay ee G/galgaduud.

Duqeynta oo ahayd mid aad u xoogan, ayaa Goobjoogayaal ku sugnaa halka duqeynta ka dhacday, waxay warbaahinta u sheegeen in khasaaro xoogan uu soo gaaray Gaadiidkii ay wateen dagaalyahanada Al-shabaab.

Goobjooge diiday in magaciisa lasoo xigto oo wareysi siiyay wakaalada wararka (AP), ayaa sheegay inuu indhihiisa ku arkay 3 kamid ah Gaadiidkii ay wateen Al-shabaab oo goobta ku bas beelay.

“Xalay degmada waxaa ka dhacay duqeyn culus oo dhulka oo dhan nala ruxday, kuwaasoo lala beegsaday afar gaari oo ay wateen xubno ka tirsan Al-shabaab oo ka yimid deegaanka Galcad,” ayuu yiri Goobjooge magaciisa qariyay oo Qaar ka mid ah warbaahinta la hadlay isagoo ku sugan degmada Masagawaa.

Sidoo kale, Goobjoogaha ayaa sheegay in saddex ka mida ah gaadiidkaas ay isla goobta ku burbureen, mid kalena uu baxsaday, wuxuuna sheegay in aanay ogaan karin khasaaraha ka dhashay duqeynta.

“Baabuurtii la duqeeyay saddex ka mid ah ayay khasaare xoogan soo gaaray, kii afaraadna wuu baxsaday. Xoogag ka mid ah Shabaab ayaa goobta oo dhan isku hareereeyay dadkana shacabkana waa loo diiday inay tagaan, lama oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay, balse waxaan maqlay in maydad iyo dhaawacyo meesha laga qaaday,” ayuu Goobjooguhu intaa ku daray.

Goobjoogaha ayaa intaas ku daray in Gaadiidka Al-shabaab oo ka Ambabaxay fiidnimadii xalay Degmada oo ay shalay soo gaareen lagu duqeeyay deegaan Degmada u jira 2-km oo lagu magacaabo Baabuur-gadoon.

“Ma jirto cid sheegi karta cidda gaariga wadatay, waxaanse u maleynaynaa inay ahaayeen saraakiil, cid walba oo isku dayda inay aaddo tuulada xabbad ayaa lagu soo ridayaa… wax khasaare ah oo shacabka soo gaarayna ma jirto,” ayuu ku daray hadalkiisa Goobjoogahan magaciisa qariyay.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.