Xildhibaanada oo ku kala qeybsan Mooshinka

swearing-in-somali-parliamentIyadoo ay 93 Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Federalka ay dhawaan soo saareen Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa soo baxayo inay Xildhibaanadda ku kala Aragti duwan yihiin Mooshinkaasi oo loo gudbiyey Guddoonka Barlamaanka Federalka.

Xog hoose oo ay Radio Dalsan heshay ayaa waxay u xaqiijiyeen inay Xildhibaanadda Mooshinka keenay u xusul-duubayaan sidii ay u kasban lahaayeen Tiro ka mid ah Xildhibaano kale.

Waxaana socda shirar hoose oo ay Xildhibaanadaasi ugu ololeynayaan sidii ay ugu guuleysan lahaayeen Cod-bixinta Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Xasan Sheekh.

Qaar ka mid ah Xildhibaanadda Barlamaanka ee ka soo horjeeda Mooshinkaasi ayaa rumeysan inaan xilligan loo baahnayn in la abuuro Xasilooni-darro Siyaasadeed, lana carqaladeeyo Hawlaha guud ee Qaranka.

Xildhibaanadda dhexdhexaadka ka ah Mooshinka, ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan Khilaafkaasi iyo inay ku biiri doonaan Xildhibaanadda u ololeynayo Mooshinkaasi iyo inay ku biiri doonaa kuwa ka soo horjeeda.

Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ka mid ah Xildhibaanadda Mooshinka ka gudbiyey Mdaaxweynaha Dowladda Federalka, ayaa sheegay inay haystaan AQlabiyad badan oo Xildhibaano, isla markaana ay muddo lix bilood ka tashanayeen Mooshinka ay ku doonayaan in xilka looga xayuubiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Si kastaba ha ahaatee, 275-ka Xildhibaan ee ka tirsaan Barlamaanka Federalka ayaa waxay had iyo jeer ku kala qeybsamaan Mooshinadda ka dhanka ah Madaxda Qaranka, waxaana la xususutaa Xiisaddii ka dhex taagnayd Hoolka Barlamaanka bishii November ee kal hore, markii la qaadayey Moshinka Codka Kalsoonida ee Ra’isul-wasaarihii hore ee Xukuumadda Federalka, C/weli Sheekh Axmed.

1 COMMENT

  1. gole shacab ma magac lagu faanaa mase waa masuuliyad adduunkana shacabkuugula xisaabtamaayo aakhirana illaaheey?

    gole shacab ma hogaan wadanbaa mase waa meel xoolo ka tacab loo yimaado?
    gole shacab ma waxqabad iyo codka shacabka iyo midnimo illaalinbaa mase isreereebid,qaybyaalad iyo gobolaysi?

    gole shacab ma wadandhisbaa mase wadan burburis?.

    waxaa wax lala yaabo noqday in meeshii wadanka la rabay ineey ka saarto dhibkii awsoomaray ay maanta noqoto meesha wadanku ka soco kari la,yahay waa baarlabaanka soomaaliyeede.
    baarlabaan waa magacweyn oo quseeyo ummad dhan mustaqbalkeed waxoow wataa magaca shacabka waana masuuliyad ay waajib tahay inta owsan xildhibaanku qaadin inoow ka fekero inoow matalikaro magacaan iyo masuuliyadiisa.
    waxaa caado noqotay in xildhibaanadu ay iyagoon ukala aabe yeelin khasaare iyo faa,iido wixii ka dambeyn doono ineey mowshino iyo khilaafaad abuuraan iyagoo ku andacoonaayo waxaan matalnaa shacabka soomaaliyeed waana inoow meelmaro mowshinkaan keenay.
    su,aashu waxeey tahay marka hore shacabka soomaaliyeed eed magaciisa sheeganaysiin ma idin doortay mase waxaad tihiin qoray lama sitaan oo shacab rafaad ka daalay oon dowlad dhowriyo labaatan sano haysan, ay dani ku kaliftay ineey iska kiin dugsadaan iyadoo arrinku yahay sidaad rabtay hadaad weydo sidaad ka badinwaydaa la yeelaa? yacni dowlad la,aan dowlo ku sheegbaa dhaanto.waxaan ujeedaa baarlabaankaan.
    waxaan maanta halkaan baaq uga dirayaa dhowr meelood oo kala ah.
    gudoomiyaha baarlabaanka.
    gudoomiyaha maxkamada sare.
    madaxweynaha soomaaliyeed.
    xildhibaanada inta wadaniyiinta ah.
    xildhibaanada caadeeystay mowshinada.
    shacabka soomaaliyeed.

    gudoomiye jawaari waxaad tahay nin weyn waxaad qaaday masuuliyad qaran oo aad u culus waxaad madaxa u ridatay in ka badan toban malyuun oo qof aayahooda.
    waxaad taagantahay maanta labo dariiq midkood oo taariikhdu kuugu qori doonto.
    inaad xaqa iyo shacabka soomaaliyeed u hiiliso oo aad mowqif sharafleh istaagto kana badbaadiso ummadda iyo wadanka xildhibaanada maanta rabo ineey iftiinka yar ee wadanka usoo ifay damiyaan wadankana dib u celiyaan.
    mudane gudoomiye in waxla hagaajiyo hadii xataa qalad jiro laysi saxo, laysla xisaabtamo waa waajib laakiin gorgortan iyo goodis iyo madaxweynihi ayaa la tuurayaa xal iyo gar toona maaha.
    mudane gudoomiye waxaa qoortaada maalinta qiyaamo qabsandoono
    boqolaalka caruurood ee wadamada qurbuhu maalin walbo reerahoodi ka xoogaayaan iyo ilmada waaridiinta ubadkoodi laga qaatay ee halkeey usoo noqolahaayeen maanta lagu gorgortamaayo.
    waxaa qoortaada qabsandoono dhaliyarada tahriibka badaha iyo saxaraha ku le,anaayo oo halkii waxloo qabanlahaa shaqo laga dhigtay mowshin iyo qabyaalad hurin.
    qaxootiga xeryaha caalamka ku nool ee jirkoodu dibadda joogo qalbigooduna wadanka joogo.
    dadka wadanka joogo ee riyadoodu aheed ineey mardhow iska iloobi doonaan dowlad la,aanti iyo qaxarkeey soo mareen.
    ummada soomaaliyeed ee ku taameeysay ineey hesho dowlad ka dulqaado duliga iyo karaamo la,aanta ay dhaxalsiisay dowlad la,aantu.
    gudoomiye maanta waa maalin taariikhdu kuu qori doonto bog cad iyo badbaadao wadan iyo bog madoow iyo burbur soomaali, cilmi iyo qibro waad haysaa cimriweyn kuuma harin ee waarimayside warhakaa haro.

    gudoomiyaha maxkamada sare hadeey arrintaanu ku soo gaarto waxaan ku xasuusinayaa xadiiskii rasuulka ee ahaa
    qaaliyaashu waa seddex labo waa ahlu naar halna waa ahlu jano,
    warka dambeeyo xadiiska rasuulka oonkuu sheegaayo majiro.

    madaxweynaha soomaaliyeed waxaan kuleeyahay shacabka soomaaliyeed ayaan ka mid ahay waxeeyna ila tahay eedaha laguu soo jeediyay midda ah qiyaano qaran ineey ka soo yeertay kuwo wadankoodi qayaanay, inta kalana waa wax la saxikaro hadii daacad laysu yahay.
    mudane madaxweyne masuuliyadaad heyso waxaa kuu hartay halsano
    taladeyduna waa gadaal ha fiirin reermowshina sharciga la tiigso
    hanaku raalinoqon in wixii la dhisay la dumiyo gadaalna loo noqdo, inti karaankaaga ah dadaal illaaheeyna hakuugu garabgalo xilkaad hayso

    xildhibaanada wadaniyiinta ah xaqa sheega wadankiina iyo shacabkiina u hiiliya sharafkiina ilaashada wadankiina badbaadsha reer mowshinle wadanka ka qabta.

    xildhibaanada mowshinka keenayoow taariikhdu way idin meeleyn doontaa soomaali dhibkay ku jirto wayka bixi doontaa sharci hufan ayaa iman doono nimanka owhor boodaayo xoosh jibriil ee yiri si madaxweynaha loo rido lixbilood ayaan ka soo shaqeynaynay shacabka soomaaliyeed idinma iloowsano maalin ay ahaataba xisaab ayaa dambeyso.

    shacabka soomaaliyeed waxaan dhihi lahaa qabyaalad gobolaysi iyo qaxar waad ka soo daasheen waxaan dhibka uga bixikarnaa fadliga illaaheey ka bacdi in aan dowlad yeelano wixii dowlad burburis ahna iska qabano qaasatan xildhibaanada caadeeystay halkay wadanka hore u wadilahaayeen ineey burburiyo dib u noqosho ka shaqeeyaan waa inaan cod dheer ku muujino inaanan shacabka magacooda loo adeegsan burburinta dowladnimada.

    illaaheey waxaan ka baryaynaa inoow awoodiisa nooga qabto cidkastoo wadankeena dib u celinayso ummaduna ay halmeel ka wada aragto aamiin

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.