Maamulka Somaliland oo Diiday Qaxootiga Yemen Kasoo Cararaya Maxay Tahay Sababta

Somaliland flag
Calanka Maamulka Somaliland Ay Sameeysteen

War kasoo baxay maamulka la magac baxay Somaliland ayaa maanta shaaca ka qaaday in aanay qaabili doonin wixii barito ka dambeeya Soomaalida ka imaanaya dalka Yemen kuwaas oo kasoo cararaya dagaallada ka soconaya dalka Yemen.

Cali Maxamed Waran Cadde oo ah Wasiirka Arimaha gudaha ee maamulka ka magac baxay Somaliland ayaa shir jaraa’id uu  maanta ku qabtay magaalada Hargaysa kaga hadlay in sababta ay ku diidan yihiin dadkaan in ay kusoo dhaweeyaan ay tahay markii ay u waayeen tabar ay dadkaan ku qaabilaan iyo sidoo kale dhanka amniga.

Maamulka Somaliland wuxuu eedeyay hay’adaha caalamiga ee bixiya deeqaha gargaarka kuwaas oo uu ku sheegay inay ka gaabiyeen kaalmeeynta qaxootigii Somalida ee joogay dalka Yemen kuwaas oo kasoo qaxaya dalka Yemen oo xulufada Sacuudiga ay duqeenayaan deegaannada ay joogaan jabhadda Shiicada Xuutiyiinta oo qabsaday dhul ballaaran oo dalka Yemen ah.

“Waxay Ka gaabiyeen hay’adaha caalamiga ee deeqa gar gaarka bixiya sidii ay u caawin lahaayeen dadka masaakiinta ah ee kasoo cararay dagaalada dalka Yemen ka socda ee soo gaaray deegaannada Somaliland ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha maamulka Somaliland.

Sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha maamulka Somaliland wuxuu xusay in sababaha kale ay u diidayaan dadkaan tirada badan ee kusoo qul qulaya deegannada Somaliland ay keeni karaan amaan darro oo ay kaga baqayaan inay dhici karto in ay kusoo dhex dhuuntaan kooxaha lidka ku ah amniga geeska Afrika oo xariir la leh ururada argagixisada ah ee Al Qaacida.

Magaalo xeebeedka Berbera ee maamulka Somaliland ayaa dhawaan waxaa gaaray Somali qaxooti ku ahayd dalka Yemen kuwaas oo kasoo cararay duqeymaha iyo dagaalada ka soconaya dalka Yemen waxaana dadkaan badankooda ay kasoo jeedaan Koofurta Somalia.

 

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.