DHAGAYSO:Puntland oo Xiriirka U Jarayso Dowladda Dhexe Sheegtayna Khaatumo State Ay Puntland Ka Tirsan Tahay

puntland-flag
Puntland-flag

Maamul goboleedka Puntland ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka Somalia C/raxmaan Odowaa oo kaga digay maamulada Puntland iyo Somaliland faragalinta ay ku hayaan maamulka Khaatumo State oo ka dhisan gobolada Sool iyo Sanaag ee gobolada waqooyi dalka Somalia.

Mmagaalada Garowe ee Gobolka Nugaal oo xarun u ah maamulka Puntland waxaa shir jaraa’id ku qabtay wasiirka arrimaha gudaha maamulka Puntland oo lagu magacaabo Axmed Karaash ayaa kaga hadlay eedeynta iyo digniinta dowladda Somalia ay u soo jeedisay maamulkooda Puntland.

Axmed Garaash wuxuu shirkiisa jaraa’id ku eedeyay dowladda Somalia inay wado kala qeybin gobolada uu ka taliyo maamulka Puntland islamarkaasna Sool iyo Sanaag uu ka taliyo maamulka Puntland.

Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Puntland wuxuu hadalkiisa raaciyay in maamulkiisa ay xiriirka u jari doonaan dowladda dhexe somalia oo uu yiri inay kala qeyb qeybinayso Puntland sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Axmed Garaasha ayaa sheegay in guddiga xuduudaha maamul goboleedyada dalka Somalia aysan imaan Karin dhul ay leedahay maamulka Puntland islamarkaasna guddigaas uu yahay mid iyaga shaqo ku lahayn.

HALKAAN KA DHAGAYSO CODKA AXMED GARAASH WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA MAAMUL GOBOLEEDKA PUNTLAND.

 

 

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.