Juventus oo Markii 10-aad Ku Guuleysatay Coppa Italia SAWIRO

Juventus players celebrate their Coppa Italia triumph after beating Lazio 2-1 after extra time in this season's showpiece
Xidigaha Juventus oo U Dabaal Degaya Markii ay Ku Guuleysteen Koobka Dalka Talyaaniga

Waxaa la Ciyaaray caawa finalka koobka dalka Talyaaniga oo ay isaga hor imaadeen naadiga ku dhawaan ku guuleysatay horyaalka Talyaaniga ee Juventus iyo kooxda ka dhisan Caasimadda dalka Talyaaniga ee Roma oo lagu magacaabo SS Lazio.

Juve are now on course for an unprecedented treble in their club's history if they beat Barcelona in the Champions League final on June 6Juventus ayaa ku guuleysatay markii ugu horeeysay muddo dhan 20 sannadood Coppa Italia markii ay 2-1 kaga badisay naadiga Lazio oo ay wada ciyaareen caawa Finalka koobka dalka Talyaaniga.

Alessandro Matri oo badal kusoo galay ayaa gool uu waqtiga dheeriga uu dhaliyay  ayay kooxda Juventus kaga badisay Lazio islamarkaasna ay ku guuleysatay koobka dalka Talyaaniga habeenkii arbacada oo ay kuwada ciyaareen garoonka Olombiko ee magaalada Roma ee caasimadda dalka Talyaaniga.

Etrit Berisha oo ah goolhayaha naadiga Lazio  ayaa bad baadin waayay oo qaban kari waayay goolka uu dhaliyay Alessandro Matri oo goolka dhaliyay daqiiqaddii 97-aad ama iyadoo ay socoto 7 daqiiqadood 30-ka daqiiqo ee lagu daray ciyaarta.

Weeraryahan Alessandro Matri ayaa badal kusoo galay ciyaarta waxaana uu soo galay garoonka markii lagu badalay weeraryahanka wadanka Spain Fernando Llorente.

Radu (centre) is mobbed by his Lazio team-mates after heading them in front at the Stadio Olimpico on Wednesday night
Ciyaartooyda Lazio oo u Dabaal degaya Daafaca Lazio Stefan Radu (DHEXDA KU JIRO) oo gool ka dhaliyay Juventus ciyaarta oo 4 daqiiqo socota

Kooxda Lazio ayaa gool dhalisay ciyaarta oo socota kaliya 4 daqiiqadood waxaana u dhaliyay goolka daafacooda Stefan Radu oo madax ku dhaliyay markii kubad bilisiyoon ahayd uu soo laaday Danilo Cataldi ay ku dhacday birta goosha kadibna uu dhanka midig goosha uu ka dhaliyay Stefan Radu.

Naadiga lagu naanayso Marwada da’da ama Cajuusada ee Juventus ayaa bareejeeysay goolka laga dhaliyay waxaana daqiiqaddii 11-aad u dhaliyay daafacooda Giorgio Chiellini kaas oo u jawaabay daafaca Lazio Stefan Radu.

Daafaca wadanka Talyaaniga Giorgio Chiellini ayaa goolkiisa uu ahaa mid qurux badan isagoo kubad sida qaasada oo kale uu u dhaliyay markii Patrice Evra uu soo baasay kubad bilisiyoon ahayd uu soo laaday macalinka baasaska Andrea Pirlo kana dhigay ciyaarta 1-1.

Juventus The Turin-based giants run towards their fans in celebration after the final whistle was blown at the Stadio Olimpico
Xidigaha Juventus oo goolhaye Buffon ku jiro oo u dabaal degaya guusha ay ka gaareen Lazio markii garsooraha ciyaarta uu Firimbiga yeeriyay

kooxda weyn wadanka Juventus ayaa ku guuleysanayso koobkii 2-aad xilligaan waxayna horey ugu guuleysatay horyaalka Talyaaniga markii 4-aad oo xariir ah iyadoo ku dartay koobka dalka Talyaaniga waxayna Juventus heysataa fursad kale oo ay ku guuleysan karto koobkii 3-aad xilligaan waxayna Finalka Champions League la ciyaaraysaa 6-da bisha soo aadan June naadiga Barcelona oo magaalada Berlin ee dalka Jarmalka kuwada ciyaari doonaan.

Waa markii 10-aad oo kooxda Juventus ay ku guuleysanayso Coppa Italia waana markii ugu horeeysay oo ay qaado Coppa Italia muddo dhan 20 sannadood waxana Juventus ay markii ugu dambeeysay ay ku guuleysato Coppa Italia ay ahayd sanadkii 1995.

Juventus' captain on the night Giorgio Chiellini lifts up the trophy on the podium at the end of the gameTaariikhda kooxda Juventus wali kuma guuleysan hal xilli ciyaareed ilaa saddex koob oo kala ah horyaalka Talyaaniga, Coppa Italia iyo Champions League.

Inter Milan ayaa ah kooxda kaliya ee Talyaani ah oo hal xilli ciyaareed kuwada guuleysata ilaa saddex koob oo kala ah horyaalka Talyaaniga, Coppa Italia,iyo Champions League waxayna ku guuleysatay sanadkii 2010 markaas oo uu tababare u ahaa Jose Mourinho.

ciidamo Boolis ah ayaa sugayay Amaanka garoonka gudahiis iyo banaankiisa  sababtoo ah sanadkii lasoo dhaafay taageero kooxda Napoli ah ayaa lagu toogtay garoonka banaankiisa kaas oo markii dambe u geeriyooday dhaawacii kasoo gaaray toogashadaas.

 

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.