Ismahaan Isse oo u sharaxan kursiga Goleyaasha Deegaanke Columbus

Ismahan Issa oo ah gabar Soomaali Amareican ah ayaa ku dhawaaqdey iney u tartameyso xubin ka tirsan goleyaasha deegaanka ee degmada Columbus/ Columbus City Cunsul sida ay ka shaacisey meel fagaare ah oo boqollaal Soomaali ah ay goob jooga ka ahaayeen waxaana ay ka codsatey dadkii madasha joogey iney codkooda siiyaan maadaama ay yihiin muwaadiniin xaq u leh iney wax doortaan lana dooran karo.

Ismahaan_660 (1)

Iyadoo ka warrameyse sababaha ku dhaliyey iney tartan u gasho kursi kamid ah kuraasta golaha deegaanka ee degmada Columbus ayaa sheegtey iney dooneyso sidii ay ugu adeegi laheyd dadkeeda islamarkaana Soomaalida ay uga dhex muuqan lahaayeen dhamaan xafiisyada dowladda sida kuwa la magacaabo iyo kuwa loo tartamo maadaama haatan aysan si weyn uga dhex muuqan dadka Soomaaliyeed xafiisyada maamulka degmada Columbus.

Waxaa kaloo Ismahan ay intaasi ku dartey iney ku dadaali wax ka qabashada baahiyaha dadweynaha iyo adeegyada aasaasiga u ah sida arrimaha caafimaadka guryaha shaqooyinka iyo wadooyinka iyadoo sheegtey iney tusaale u noqoneyso usoo bixitaanka hablo Soomaaliyeed oo bulshadooda u adeega. sida ay hadalka u dhigtey gabadhan oo ah hooyo Soomaali American ah islamarkaana carruur ku heysata magaalada Columbus.

Ismahaan_2

Issa ayaa tilmaantey ka muuqashada Soomaalida ee golaha deegaanka degamada Columbus iyo xafiisyada dowladda iney guul u tahay Soomaalida iyadoo dhanka kalena ka codsatey dadweynaha Soomaaliyeed ee reer Columbus iney codkooda siiyaan islamarkaana ay la garab istaagaan taageero dhinac walba leh.

Ismahaan ayaa kamid ah 9 musharrax oo ku tartamaya afar kursi oo City Cunsul ah waana qofka kaliya ee Soomaali American ah oo haatan ku jira shaqsiyaadka u ordaya kuraastan iyadoo hadii ay ku guuleysatana ay noqoneyso gabadhii ugu horreyse ee Soomaali ah oo soo gasha golaha deegaanka ee degmada Columbus.

Ismahaan_1

Guusha inantan ayaa ku xirnaan doonta hadba sida ay ugu soo baxaan Soomaalida Columbus oo imtixaan ay noqneyso doorashada sanadkan waxaana isla guusha Ismahan ay tusaale iyo dhiirri gelin wanaagsan u noqon doontaa Soomaali farabadan oo laga rajo qabo iney ka muuqdaan xafiisyada dowladda hadii ay noqon lahaayeen kuwa lasoo doorto iyo juwa la magacaabo.

Isha: HOL

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.