Khadra Maxamed oo Booliska Mareeykanka kamid noqotay

C5E9669D-0362-4EB6-ABB4-8A2A066F281B_w640_r1_cx0_cy5_cw0_sQadra Maxamed, oo 22 jir ah ayaa waxaa bishii March ee sanadkan shaqaaleysiiyay, qeybta booliska ee Magaalada St. Paul ee gobolkaasi, laakiin haatan ayey si rasmi ah ugu biirtay, qeybta booliska ee Metro-transit Police loo yaqaan oo ka howgalaya magaalooyinka mataanaha ee St. paul iyo Minneapolis oo ay ku noolyihiin Somalida ugu badan Mareykanka.

Khadra ayaa shalay si rasmi ah loo siiyay kaarka Booliska gobolka Minnessota dalkan Mareykanka, iyadoo ka mid noqoneysa 7 qof oo Somali ah boolis ah oo gobolka ka howlgala.

AE97519E-D0BB-4C21-A5C0-85469432BFBD_w640_r1_s

Khadra ayaa loo ogolaaday inay shaqadeeda gudato iyadoo weliba xiran xijaab.

Waxaana arintan ay ku soo beegmeysaa, iyadoo dhawaan Ismahan Isse, oo ah gabar somaliyeed oo 29 sana jir ah oo ka soo baxday akaemiyada booliska magaalada Kolombus ee gobolka Ohaio ay isaga hartay, damaceedii ahaa inay boolis noqoto, iyadoo u sababeysay in siyaasadaha booliska gobolka aaney ogoleyn in xijaab ay ku shaqeyso.

E5E6173E-B595-4DA6-BD22-566388F19089_w640_r1_s

Dhageyso Wareysiga Laba ka Mid ah Somalida Booliska ka ah Mareykanka

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.