JANAALE:Qarax Lagu Dilay Haween Khat-ka  iibiya

Khat and women
Haween ka ganacsanaya Khat

Ugu yaraan afar haween ah ayaa geeriyootay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen markii qarax uu ka dhacay suuq lagu iiibiyo Khatka ama jaadka oo ku yaallo magaalada Janaale ee Gobolka Shabelaha hoose oo qiyaastii 60Km dhanka koofureed kaga beegan caasimadda Somalia ee Muqdisho.

Qaraxaan ayaa wuxuu dhacay xilli fiidkii habeenka qamiista ah ee Jimcaha soo galayso waxaana bam lagu tuuray goob lagu iibiyo khatka waxaana markii qaraxa uu dhacayay suuqa uu ahaa mid si aad ah loo buuxay oo macaamiil badan ay iibsanayeen jaadka.

“afar haween ah ayaa lagu dillay suuqa lagu gado jaadka ama Khatka ayuu yiri Cabdi Cali oo ah mid kamid ah dadka degaanka Janaale ee Gobolka Shabelaha Hoose oo la hadlayay Website-ka Midnimo.com

Cabdi Cali ayaa intaas ku daray “dhamaan dadka ku dhintay qaraxa ka dhacay suuqa jaadka Janaale waxay ahaayeen haweenka ka ganacsada Jaadka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa markii uu ka dhacayay suuqa ay jaad ka iibsanayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Somalia laakin ma jiro warar madax banaan oo hadalkaan taageeraya.

Al Shabaab wali ma aysan sheeganin qaraxa lagu dillay Haweenka ka ganacsada Khatdka ama jaadka laakin qaraxyada iyo dilalka ka dhaca dalka Somalia iyo qeybo kamid ah dalalka ku yaallo bariga Afrika ayaa waxaa sheegta ururka Argagixisad ah ee Al Shabaab.

 

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.