Hadal Sir U Ahaa Puntland oo C/wali Gaas Sheegay Muxuu Yahay

Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas
Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas

Hogaamiyaha Maamul goboleedka Puntland Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay Shirka Hiigsiga 2016 wajigiisa 2-aad ee Garoowe ayaa sheegay in Maamulka Puntland aysan aqoon sanayn dastuurka u degsan dalka Somalia oo haatan ay ku shaqeeyso dowladda Somalia.

Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas,Ra’iisul wasaarihii  hore dowladdii Kmg ahayd ee uu Madaxweynaha Ka ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadda ah Hogaamiyaha Maamul goboleedka Puntland ee Somalia ayaa sheegay in uusan aqoon sanayn dastuurka kmg ah oo dowladda Somalia ay iminka ku shaqeenayso.

Haddii uu Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas uusan aqoon sanayn dastuurka iminka ay ku shaqeeyso dowladda federaalka Somalia wuxuu badalka dastuurkaas uu aqoonsan yahay  Dastuurkii ay ku heshiiyeen Saxiixayaashii Road map-ka xiligii ay jirtay dowladii KMG ahayd oo Ra’isul wasaare uu ka ahaa.

Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas ayaa hadalkiisa raaciyay in maamulkiisa Puntland ay ka wada hadli doonaan dowladda federaalka dalka Somalia arrintaan uu sheegay ee ah inaysan Puntland aqoonsanayn dastuurka kmg oo dalka uu ku shaqeeyo.

Sidoo kale Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay tahay nasiib darro in ay ilaaliyaan madaxda dowladda Somalia ciidamo shisheeye oo ka yimid dalal Afrika sida Uganda,Burundi,Kenya,Siera Lione iyo dalal kale.

Hogaamiyaha maamul goboleedka Puntland Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas wuxuu ku nuux nuuxsaday in ciidanka Somalia ay yihiin kuwo awood leh nasiib darrana ay tahay in madaxda soomaliyeed ay waardiye ama ilaaliyaan ciidamada Shisheeye oo ka liita kuwa Somalia ay leedahay.

Hadalkaan ayuu Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas ka jeediyay kulan looga hadlayay sidii loo heli lahaa ama loo dhisi lahaa ciidamo qaran oo ka yimaada dhamaan gobolada dalka Somalia.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.