Somalia: Bulshada Somalida Maraykanka oo Dhigay Banaan Bax SAWIRO

Members of Minnesota's Somali community rallied at the Capitol Saturday, in support of the families of the men accused of trying to join ISIS in Syria
Boqolaal Somalida Maraykanka ku nool oo banaan bax ay ku taagerayeen qoysas Wiilashooda La Xiray Todobaadkii lasoo dhaafay ka dhigay State Capitol Sabtida todobadkan.

Ilaa boqol xubnood oo ka tirsan bulshada Somaliyeed ee ku nool Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa banaan bax lagu taageerayay qoysas laga xiray ilaa lix dhalinyaro Somali ah kuwaas oo lagu eedeyay inay doonayeen in ay ku  biiraan kooxda qilaafada islaamka ee ka dagaalanta dalka Syria sida uu kusoo waramayo website Midnimo.com.

Ka qeyb galayaasha banaan baxaan ayaa ahaa kuwo ka careysay xarigii loo geystay dhalinyarada Somalida ah todobaadkii lasoo dhaafay waxayna aaminsan yihiin in aan loola dhaqmin si wanaagsan dhalinyaradaas oo ay yihiin dhibanayaal ilaa lagu cadeeyo dambigaas.

Banaan baxaan ayaa ka dhacay sabtidii halka lagu magacaabo State Capitol.

Maxamuud Nuur oo ah qaban qaabiyaha isku soo baxaan ayaa ugu baaqay hogaamiyayaasha Gobolka inay qaadaan tallaabo ay ku taageerayaan bulshada Somaliayeed islamarkaasna ay bulshada somalida ku nool Gobolka Minnesota ay ka caawin doonaan oo si dhow ula shaqeen doonaan maamulka Gobolka inay ku wargaliyaan dadka da’da yar ee doonaya inay qaatan fikradda xagjirnimada.

Minnesota Somali community demonstrators said they are angry“Tani waxay dhibaato ku tahay Somalida.waana dhibaato Minnesota heysata,waa dhibaato Maraykanka heysata iyo dhibaato heysata adduunka oo dhan waana mid aan ka adkaan karno arrinkaas haddii dhamaan aan si wadajir ah u shaqeeno ayuu yiri Maxamuud Nuur oo ah ninkii soo qaban qaabiyay isku soo baxaan.

The demonstrators said they are angry because they believe the young men are not being treated as though they are innocent until proven guilty.
Ka qeyb galayaasha banaan baxaan ayaa ahaa kuwo ka careysay xarigii loo geystay dhalinyarada Somalida ah todobaadkii lasoo dhaafay waxayna aaminsan yihiin in aan loola dhaqmin si wanaagsan dhalinyaradaas oo ay yihiin dhibanayaal ilaa lagu cadeeyo dambigaas.

Ayan Farax oo ah hooyo dhashay labo kamid ah ilaa lix dhalinyaro ah oo todobaadkii lasoo dhaafay la xiray ayaa la hadashay dadkii isku soo baxay waxayna sheegtay in dhalinyarada aynan waligood dhibaato aysan sameeynin waxayna ugu baaqday dhalinyarada kale ee da’da yar inay ka fogaadaan wadada sababtay qabashada wiilashooda.

Kooxda isku soo baxay ayaa ku dhawaaqayay islaamka waa nabad ee noo soo daaya walaalahayna.

Inta badan ka qeyb galayaasha isku soo baxaan ayaa watay funaado ay ku sawiran yihiin dhalinyarada la qabtay todobaadki lasoo dhaafay kuwaas oo lagu tuhmay inay rabeen in ay la shaqeeyaan kooxda ISIS.

Carruur toboneeyo ah ayaa ku dhawaaqayay ma nihin anaga ISIS ee joojiya inaad dhaawacdaan qoysaskeena.

Waxaa Tarjumay Axmed Mooge oo Muqdisho Joogo.

E-Mail: [email protected]

Tell:00252615140242.

https://www.facebook.com/deahmed.mooge

 

 

2 COMMENTS

  1. It is Time to leave Somalia Americans back to Somalia….Dont fool your self It is the Time to move back 2 home..

  2. Mareykanka Maahan Dal Dimuquraadi ah, Waa Dal Isticmaar ku dhisan. Sababtoo Haddii uu dal dimuquradi ku dhisan yahay.dadka ku nool gaar ahaan Soo galootiga waxay ku noolaan lahaayeen Nolol Wanaagsan. HaddaSida muuqata Shacabka Soomalida ah waxay GAleen Booska Dadka Mdowga ahaa.

    Dowladda Mareykanka, ayadda ayaa dhibaatadda Caalamka ka jirto u sabab ah, sababtoo ah maamulkooda kuma eka oo keliyah Dalkooda, basle waxa uu si qoto dheer leh u saameyey Nidaamka Isticmaar oo ay siyaasadooda Dibadda Xambaarsan tahay Dalal BAdan oo Caalamka ah.

    Tusaale; Geeska Afrika Markaan ka hadalno Dowladda Mareykanka iyadoo aan Tixgelineynin, Shacabka Soomaalida Mareykanka ah ee DAlkeeda ku nool. intey u dib martey bay waxay taageertay Faragelino Badan oo Dalka soomaaliya lagu sameeyay, laga soo biloobo 1993- ilaa 2008.

    1993- Markii ay Dowladda mareykanka soo gashey Muqdisho- iyadoo ku andacooneysa waxaan soo celineynaa RAjadii luntey ( Restore hope). dowladdo badan ayaa qaatey Beentii loo sheegay, waxayna soo faro gelisaydalka Soomaaliya…intii ay joogtey waxaa dhacey Xasuuq ka dhan ah Shacabka Soomalida ah, gaar ahaan Reer Muqdisho. ma jirtaa Cid diiwaangelisey ama u sameysay ( Masxaf ) lagu xuso dadkii ku nafwaayay faragelintii ay dowlada mareykanka horseedka ka ahayd..40 iyo dhowka dowladood waqtigii ay la socdeen. taasi oo ugu dambeyntii reer muqdisho ay gadaal ka ogaadeen in arintu tahay isticmaar qarsoon. Dowladda Mareykanka 1 Diyaarad oo ka soo dhacdey. bey intey qaateen u sameyeen Masxaf wey oo lagu soo booqdo. bal ka waran Boqolaalka qoys ee Soomaliga ah ee ku nafwayeey Xasuuqii ay Dowladda Mareykanka ka geysatey. waxa ka hadlay ma jiraan, SOOMAALIDA ALLE AYA U MAQAN.

    2006-kii Marekii ay Ciidamadda Itoobiya soo galeen Dalka Soomaliya. waxaa Qarashka ugu badan, shidaalka iyo logistics ka caawinaayay Dowladda Mareykanka. lacaga loogu yaboohey dowladda Itoobiya ( itoobiya Invation in Somalia). Dad Badan oo Soomaali ah ayaa lagu xasuuqey (Muqdisho).Lacagtaasi lagu maalgeliyey Farogelintii Qaawaneyd oo ay Dowladda itoobiya ku sameysay. Waxay ahayd CANSHUURTII laga soo aruuriyey shacabka Mareykanka oo ay ku jiraan Soomaalida.

    Soomaali ka qaad Soomali ku dil..! Maalaayiintaasi doolar waxay gashey in Qeybo badan oo Magaaladda Muqdisho ah Madaafiicda Lagu garaacayay Rasasateeda..Hubaal WAxaa ku naf waayay Boqolaal Qoys oo soomali ah…Ma jiraa Hay’ad ka hadashey, diiwaangelisay shacabka Soomaaliyeed ee ku nafwaayay..! Waa maya

    2009 – kii dhamadkiisa, Dowladda Ingiirska,Mareykanka iyo Israel. waxay damceen in Jubba land ay ka dhigaan Buffer Zone. si uu uga yaraado dhibaatadda kaga imaaneyso Alshabab iyo kooxa ka jira Soomaliya. Taasi waxay keentay in MSF spain( Doctors with out borderska ) joogey xeryaha. si been ah loogu dhahey shacabka Kenya waxaa la afduubtey Shaqalihii ka shaqeynayay Xeradda, ( False Flag ), kadibna waxay fududeysay in Ciidamadda Kenya oo garab ka helaayo Dowladdaha kor ku xusanay soo gashey Dhulka Soomaliya mar kale, intii ay joogan. dabcan dad badan oo shacab Soomaali ah waa ku naf waayeen.. Majirtaa cid ka hadashey ama u sameysay Masxaf lagu xasuusto Xasuuqaasi.. ! Waa maya

    Dunidaa waa lagu wada nool yahay. Waxaase Haboon in Dalweliba uu ka madax banaanado Dal kale. Dal welibana uu u madax banaanado Arimihiisa Daaqiliga ama Gudaha.

    Xiriirka ka dhaxeeyey MAreykanka iyo Caalamka Islaamka, waxa uu aha mid noocaan oo kale, hadiiba uusan ka sii liidan, Dalal badan oo uu sida ay Soomalida ahaayeen ka liitey waa jirtaa, ilaa iyo hada waqtigaan 2015. ayaaan xirirkaasi dib u eegis lagu sameyn.

    Dowladda Mareykanka Waxkasta oo qalad ay geysato, waa u sax. Dadka kale waa Xayaanow, oo cid ka hadasho ama u dooda Xuquuqda ma jirto. Dhiigoodana Diyo Maleh. Basle Hal qof oo mareykanka waa uu ka qiimo badan yahay Dadka/shacabka kale ee caalamka.

    Caqligaasi ma mid saxanbaa ? Jawabta waa xigiina.

    Qof ka Soomaliga ah ee Caqligiisu Fayow yahay. hal maalin xitaa maaha inuu kusii noolaado, iska daa inuu Caruur ku dhal dhalo ee uu ku noolaado Dal noocaas ah. xitaa haddii isaga ( waalidka ) Meesha ka baxo, ajasha waqtigeeda ayay leedahay, waxa uu awlaadiisa/awlaadeeda uga tagey ama ay ka dhex layahaan waa ISTICMAAR AMA ADOONSI. iyo iney Buuxiyaan Booska Dadkii madow-ga ah ee la isticmaarsay ee ku baabahay nolosha isticmaarka. iney Booskooda Buuxiyaan oo ay shacab u noqdaan Dowladda mareykanka.

    Talo- Intii ay Goori goor tahay, Soomaaliyeed dalkiina Dhisa, ka shaqeeya Nabadgelyadiisa, si aad Caruurtiina ugu sameysaan Nolol Fiican oo ku dhisan ISLAANIMO. ka duwan mida Rafaadka ah ee aad Hada Qurbaha idin ku heysto.

    Ugu dambeyntii- waxaa suuro gal inaan dhow dal oo kala duwan ku kala nooshihiin.- tusaale- Fiiri Xirirka ka dhaxeeyo – dalka aad ku nooshahay-( australia,Canada,Newzealand, Uk, US, Swdeden, Norway iwm ). Bal si qoto dher leh u eeg xirirka dalka aad heysato dhalashiisa, iyo midka aad adigu ka timid ? Haddii uu yahay mid aad ku qanacsan tahay..Ma xuma inaad ku sii noolato. balse haddii uu yahay dal ay siyaasadiisa arimaha dibada.. xiriir wax uu dhibaateeyo moooyee aan qeyr lahayn ama aan wanaag ku dhisneyn.

    DALKAASI INAAD SII JOOGTO AMA AAD KU FAKARTO INAAD NOLOL KA SAMEEYSATO MAAHA, WAA INAAD BUSTAHAAGA KA QAADATO – XITAA HADDII AADAN DIB UGU NOQON KARIN DALKII AAD KA TIMID. BAL DAL KALE OO KA FIICAN, DHANKA XIRIIRKA KU SII NOOLOW. MUHIIMADDA WAXAA WAAYE. DAL AAD ADIGU CANSHUURTIISA BIXISO. QOF KALE OO SOOMALI AH AMA MUSLIM AH IN LAGU WAXYEEYO. ALLE BAA INAGALA XISAABTAMI DOONO..!

    DALKAAGA WAX KUU DHAAMO MA LEH. NOLOLASHA SAXDA WAA MID AAD U MADAX BANANTAHAY DIINTAADA,DADNIMADAADA IYO SOOMALINIMADAADA.

    WABILAAHI TOWFIIQ

Leave a Reply to Badbaadinta Ubadka Soomaaliyeed. Cancel reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.