Lix Dhalinyaro Somali Maraykan ah oo Maxkamad Lasoo Taagay

ISIS image
Sawirkan waa Dagaal Yahanno Ka Tirsan Kooxda Qilaafada Islaamiga ee DAACISH ama ISIS Photo by Midnimo.com

Maxkamad heer federal ah ayaa maanta waxaa lasoo taagay ilaa lix dhalinyaro oo Somali Maraykan ah kuwaas oo lagu eedeyay inay doonayeen in ay ku biiraan kooxda qilaafada Islaamka ee ka dagaalanta dalalka Syria iyo Iraq ee loo yaqaanno ISIS ama DAACISH Midnimo.com ayaa ogaatay.

FBI ayaa qabatay lixdaan dhalinyaro Somali Maraykanka ah axaddii kadib baaritaan muddo 10 bilood ah ay wadeen kuna eedeyay Dhalinyaradaan inay doonayeen in ay u safraan dalka Syria si ay ugu dhinac dagaalamaan qilaafada Islaamiga ee DAACISH islamarkaasna ay weeraro argagixiso ah ay fuliyaan.

Xeer ilaaliye Andrew Luger oo soo eedeyay dhalinyaradaan ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Minneapolis ku sheegay in 4 kamid ah dhalinyaradaan Somali Maraykanka ah laga soo xiray gobolka Minnisota oo ah halka ay ku nool yihiin Somalida ugu badan ee Ku Sugan dalka Maraykanka halka 2-da kalena laga soo xiray magaalada San Diego ee gobolka California wuxuuna xeer ilaaliye Andrew Luger shirkiisa jaraa’id uu qabtay isniinta maanta ah ku sheegay in dhalinyaradaan ay doonayeen inay ku biiraan Qilaafada DAACISH ama ISIS oo Maraykanka u aqoonsan yahay urur argagixiso.

Zakariye Yuusf C/raxmaan oo 19 sanno jir ah,Cadnan Faarax oo 19 sanno jir ah,Hanad Mustaf Muuse oo 19 sanno jir ah iyo Guuled Cali Cumar oo 20 sanno jir ah ayaa laga soo xiray oo laga soo qabtay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota maalintii axadda todobaadkan.

Labo dhalinyaro kale oo lagu kala magacaabo C/raxmaan Yaasin Daud oo 21 sanno jir ah iyo Maxamed Cabdi Xamiid Faarax oo 21 sanno jir ah ayaa laga soo qabtay gobolka California isla maalinta axadda ee todobaadkan waxaana FBI-da sheegtay in dhalinyaradaan ay ka safreen magaalada Minneapolis kuna sii jeedeen magaalada Santiego ee gobolka California ujeedkooda uu ahaa inay u sii gudbaan dalka Mexico kadibna ay u duulaan dalka Syria.

Dukumiinti laga akhriyay maxkamadda lasoo taagay 6-daan dhalinyaro Somali Maraykan ayaa lagu sheegay in dhalinyaradaan ay isku dayeen dhowr jeer hore inay u safraan dalka Syria.

FBI-da ayaa sheegtay in xogtaan ay ku qabteen dhalinyaradaan doonaysay inay ku biiraan DAACISH ama ISIS uu gacan ka siiyay wiil dhalinyaro oo Somali Maraykan ah oo magaciisa ay qariyeen kaas oo isaga xitaa doonayay inuu u safro Syria laakin bishii January ee sanadkaan bilaabay inuu si dhow ula shaqeeyo FBI-da kadibna siiyay magacyada iyo tirada dhalinyarada reer Maraykan ee u safraya dalka Syria sidaasna ay FBI-da ku ogaaatay dhalinyaradaan.

Cabdi Nuur oo 18 sanno jir ah oo Somali Maraykan ah ayaa sanadkii lasoo dhaafay ka tagay dalka Maraykanka isagoo ku biiray kooxda ISIS ama DAACISH kadibna door muuqda ka qaatay sidii uu ugu dhaadhicin lahaa saaxibadiisa inay kula biiraan Qilaafada islaamiga ee DAACISH ee ka dagaalama dalalka Syria iyo Iraq.

Saddex dhalinyaro oo ka tagay gobolka Minnisota ayaa ku biiray Qilaafada Islaamiga ee DAACISH ama ISIS laakin dhamaan saddexdaas dhalinyaro ayaa la ogaaday in lagu dillay dagaalo ay kooxdaas gashay.

Labadii sanno ugu dambeeyay ilaa 50 Maraykan ah ayaa maxkamad lasoo taagay laguna eedeyay inay doonayeen in ay ku biiraan Qilaafada DAACISH ama ISIS qaarkoodna lagu riday xukunno.

Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnisota ayaa xudun dhexaad u noqotay goob sannadihii dambe ay kasoo baxaan dhalinyaro badan oo ku biiraya ururo ay Dowladda Maraykanka u taqaanno ururo Argagixiso waxaana 20 dhalinyaro oo ka tagay gobolkan Minnisota aku biireen Ururka Argagixisada AL Shabaab ee ka dagaalama dalka Somalia iyo qeybo kamid ah dalalka bariga Afrika.

Waxaa Tarjumay Axmed Mooge oo Muqdisho Joogo.

E-Mail:[email protected]

Tell:00252615140242.

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.