Boosaaso: Saldhig boolis oo la weeraray

150414140324-01-somalia-0414-exlarge-169Dabley hubeysan ayaa xalay weerartey saldhigga booliska Baalade ee ku yaal galbeedka magaalada Bosaso.

Taliyaha ayaa sheegay in uu tagay goobta uu weerarku ka dhacay daqiiqado kaddib weerarka, isagoo sheegay in weerarkaasi uu dhaawac fudud ka soo gaaray taliyaha saldhiga Baalade ee la soo weeraray.

Gaashaanle Sare Cabdixakiin ayaa sheegay in weerarka kaddib ay gacanta ku soo dhigeen dhaallinyaro badan oo la tuhmay, kuwaasoo uu hadda baaritaan ku socoto oo ciddii dambi lagu waaayo la sii deyn doono.

Mas’uuliyadda weerarka weli cidi ma sheegan, balse Al-shabaab ayaa weerarro caynkan oo kale ahaa horay Bosaso uga fulisey.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.