Howlaha Garoonka Aadan Cadde oo Hakad Galay Maxay Tahay Sababta

adan-cadde-1
Terminalka cusub ee Garoonka Aadan Cadde

Roobab xoogan oo ka da’ayay xalay ilaa saakay magaalada Muqdisho ayaa sababa in biyo badan ay ku rogmadaan garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Daad xoogan ayaa ku rogmaday Terminal-kii cusbaa ee garoonka, waxaana biyaha ay gudaha u galeen halkaasi, iyadoo shacabkii halkaasi ku sugnaa hadda la geynayo halkii hore ee lagu shaqeyn jiray.

Diyaarado Muqdisho kusoo wajahnaa ayaa dib u laabtay, waxaana maanta la filayay in garoonka Duulimaad badan ay ka baxaan, sida uu inoo sheegay mid ka mid ah shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde.

Roobka ka socda magaalada Muqdisho ayaa biyo dhigay wadooyin badan oo magaalada ka mid ah, waxaana yar isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee magaalada.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.