Biriq Qasaaro Nafeed Sababtay oo Shabelaha Dhexe Ku Dhacday

Biriq
muuqalka biriqda

Sida ay sheegayan Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Dhaxe in maanta Deegaan katirsan Gobolkaasi ay ku dhacday Biriq sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay afar qof oo dadka deegaankaasi kamid ahaa.

Biriqda ayaa maanta ku dhacday guri kuyaala Deegaanka lagu Magacaabo Hareeri Caadle oo katirsan Gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxa ayna biriqda dishay labo caruur ah halka ay labo kalana ay dhaawacyo kasoo gaareen, caruurtan ayaana ahaa kuwa isku qoys ah.

Qof kamid ah Dadka Deegaanka Hareeri Caadlle ayaa sheegay in biriqda ay ku dhacday Guri ay dagnaayeen qoys deegaankaasi ku noolaa, waxa uuna sheegay in labo caruur ah ay Biriqdaasi dishay halka labo gabdhood oo iyana dhaawacyo soo gaareen loo soo qaaday Isbitaalka Keesaney ee Magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah Gobolada Dalka Soomaaliya waxaa ka curtay Roobka xiliga Guga, waxaana xiliya roobka mararka qaarkood dhacda in Biriqda Roobka ay waxyeelo soo gaarsiiso dadka kunool deegaanada uu Roobku sida xoogan uga da’o sida marar badan horey u dhacday.

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.