Yaa Badiyay Dekadda iyo Saxafi Kulankii Galabta Horyaalka K/Cagta Somalia.

Goosha akteeda4
Kulankii xidigaha Dekadda ay Kaga badiyeen Saxafi ee Galabta ka dhacay Koonis

Waxaa wali si xiiso leh kaga soconaya garoonka da’da weyn ee Banaadir Stadium ama Ex Koonis horyaalka kubadda cagta Somalia xilli ciyaareedka 2014-2015 waxaana ciyaartii ugu dambeeysay ee la ciyaaray galabta oo jimco ahayd dhexmartay kooxaha Dekadda iyo Saxafi.

Saddex gool oo ay kala dhaliyeen xidigaha kala ah C/kariin Qubaaye,Maxamed C/qaadir iyo Simon ayay naadiga Dekadda 31 kaga badisay kooxda kubadda cagta Saxafi horyaalka kubadda cagta Somalia kadib markii ay wada ciyaareen Kulankii galabta oo jimco ahayd sida uu kusoo waramay wariyaha Website-ka Midnimo.

Waxay ku kulmeen kooxaha Dekadda iyo Saxafi ciyaartii 63-aad horyaalka kubadda cagta Somalia waxaana markiiba hogaanka ciyaarta la wareegtay kooxda dekadaha oo heshay goolkii 1-aad ciyaarta markii ay mareeysay daqiiqadi 22-ad waxana u dhaliyay xidigooda C/kariin Qubaaye waxaana qeybta hore 1-0 ku hogaaminaysay naadiga dekadda.

labada Tababare
Waa Labada Tababare Cabdi Kuus(Ninka Soke) oo Saxafi ah iyo Cabdi Joon(Ninka Fog) oo Dekadda ah

Labada tabaare ee kala ah Cabdi Joon iyo Cabdi Kuus ayaa mid kasta dadaal ugu jiray sidii uu ku helli lahaa guusha kulankaan iyagoo ciyaartooyda mid kasta si gooni ugu sheegayay tabab ay midba kan kale u arkayay inuu kaga badin karo.

Qeybta 2-aad ciyaarta markii lagu soo laabtay naadiga tababare Cabdi Joon ee Dekedda ayaa xoojisay hogaanka kulankaan waxaana ay heshay gool 2-aad oo uu u dhaliyay ciyaaryahankooda Maxamed C/qaadir oo ka dhigay natiijada ciyaarta 2-0 oo Dekaddda ay ku hogaaminayso.

Saxafi Team
Xidigaha Kooxda SAXAFI ku soo biloowday Kulankaan

Naadiga Saxafi  ayaa heshay goolka calanka ciyaarta oo 17 daqiiqo ka dhiman tahay waxaana u dhaliyay Mahad Maxamed oo 2-1 ka dhigay daqiiqaddiii 73-aad ee ciyaarta.

Xidiga u dhashay dalka Kenya ee lagu magacaabo Simon ayaa kooxdiisa Dekadda u dhaliyay gool 3-aad oo rajo beel ku riday naadiga Saxafi taas oo ka dhigtay in kooxda Dekadda ay ku badiso 3-1 kulankii horyaalka Kubadda cagta Somalia.

Simon oo reer Kenya ah ayaa afar gool dhaliyay labadii kulan ee ugu dambaysay horyaalka kubadda cagta Somalia uu u ciyaaray kooxda Dekedda.

Dekadaha team
Xidigaha Naadiga DEKADDA ku soo biloowday Kulankaan Ay Ka Badiyeen Saxafi

Kadib guushaan ay gaartay Kooxda Dekedda ayaa leh 22 dhibic waxayna dhibco wadaag yihiin naadiyada Banaadir SC iyo Elman.

Banaadir SC iyo Elman ayaa isniinta wada ciyaari doonno kulan ka tirsan horyaalka kubadda cagta Somalia.

Cabdi Joon oo ah macalinka naadiga Dekadaha ayaa badiyay saddexdii kulan ugu dambeeyay horyaalka kubadda cagta Somalia marka lagu daro kulankaan galabta ay ka badiyeen Saxafi,waxaana horey ay Dekadaha ugu soo badisay kooxaha Elman iyo Horseed.

W/D: QORAA ISBOORTI Axmed Mooge oo Muqdisho Joogo.

E-Mail: [email protected]

Tell:00252615140242.

https://www.facebook.com/deahmed.mooge

FIIRSO SAWIRADA KULANKAAN.

garsoorka iyo kooxaha oo garonka galaya Goosha akteeda4 Tababare Cabdi Joon iyo Keydka Dekadaha Tababare Cabdi kuus iyo keydka Saxafi xidigo kubad ku dagaalamaya goosha akteeda Dekadaha keydka oo dabal degaya

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.