Muxuu Ku Dhamaaday Kulankii Galabta Horyaalka K/Cagta Somalia+SAWIRO

dabaal deg
Ciyaaryahannada Banaadir SC oo u Dabaal Degaya mid Kamid ah goolasha ay kaga badiyeen kooxda Somali Fruit,Talaado 7-da Aprill 2015 Photo By Midnimo.com

Waxaa wali si habsami leh ugu soconaya garoonka Banaadir Stadium ama Ex-Koonis horyaalka kubadda cagta Somalia xilli ciyaareedka 2014-2015 iyadoo aan si sax ah loo saadaalin Karin kooxda ku guuleysan karta horyaalka Somalia xilligaan.

Labo gool oo labada qeyb ciyaarta kala dhalisay ayay Kooxda difaacanayso horyaalka kubadda cagta Somalia ee Banaadir SC 2-0 kaga badisay naadiga lagu magacaabo Somali Fruit.

Labadaan koox Banaadir iyo Somali Fruit ayaa kulankooda wuxuu ahaa kii 60-aad horyaalka kubadda cagta Somalia iyadoo koox kasta ay ciyaartay min 12 kulan xilligaan horyaalka Somalia ee kubadda cagta.

 

Banaadir SC Team
CIYAARTOOYDA KOOXDA BANAADIR SC EE KUSOO BILOOWDAY CIYAARTA AY 2-0 KAGA BADIYEEN SOMALI FRUIT HORYAALKA K/CAGTA SOMAIA.

Kooxda Banaadir SC ayaa guul weyn ka gaartay horyaalka kulankii ugu dambeeyay oo ay la ciyaartay naadiga Savana oo ay kaga adkaatay 5-1 wuxuuna kulankaan uu u ahaa kii 2-aad oo xiriir ah oo ay guul gaareeyso.

Goolka furitaanka ayaa waxaa dhaliyay Caadil Nuur Cali oo u xirto nambarka 11-aad kooxda Banaadir SC wuxuuna xidigaan goolkaas uu si caqliyeysan kaga dhaliyay goolhayaha naadiga Somali Fruit waxaana qeybta hore ciyaarta 1-0 ku hogaaminayay Banaadir SC.

Qeybta dambe ayay kooxda Banaadir SC heshay goolka 2-aad waxaana u dhaliyay xidigooda lagu magacaabo Gacal Cali waxaana ciyaarta ay kusoo dhamaatay Banaadir Sc oo 2-0 kaga badisay naadiga Somali Fruit.

Somali Fruit Team
XIDIGAHA SOMALIA FRUIT EE KUSOO BILOOWDAY KULANKA BANAADIR SC AY LA CIYAARAYEEN.

Naadiga Somali Fruit ayaa ciyaarta ku dhamaysatay 10 ciyaartooy markii laga saaray oo kaarka roosaha la siiyay xidigooda Nuur Iikar oo qalad kula kacay ciyaaryahan Marcel Samson goo ka tirsan kooxda Banaadir SC.

Kooxda Banaadir SC ayaa  2-1 kaga badisay kulankii is aragii hore horyaalka Somalia oo ay la ciyaartay kooxdan Somali Fruit waxayna kulankoodii hore wada ciyaareen 16-kii Janaayo 2015.

Banaadir SC ayaa guushan kadib waxay leedahay 22 dhibcood oo ay isku dhibco yihiin kooxda Elman oo iyana leh 22 dhibcood.

Somalia Fruit ayaa leh 12 dhibcood kadib guuldaradaan kasoo gaartay Banaadir SC  waxayna ku jirtaa kaalinta 8-aad kala horeenta horyaalka Somalia,waxaana guuldaradaan ay u noqonaysaa tii 2-aad oo xiriir ah oo soo gaareeyso kadib markii todobaadkii hore guuldarro 4-1 kala kulantay kooxda Saxafi FC.

W/D: QORAA ISBOORTI Axmed Mooge oo Muqdisho Joogo.

E-Mail:[email protected]

Tell:00252615140242.

HOOS KA FIIRSO SAWIRO DHEERAAD AH

Labada kabtan oo is gacan qaadaya
KABTANADA KOOXAHA BANAADIR SC IYO SOMALI FRUIT OO IS GACAN QAADAYA KA HOR CIYAARTA IYO GARSOORAYAASHA DHEX DHEXAADINAYAY CIYAARTA

ciyaarta oo socota dabaal deg goosha akteeda goosha kale akteeda

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.