Somalia iyo Britain oo Kawada Hadlay Arrimaha Qaxootiga

Xasan iyo Safiirka Britain
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Arrimaha Qaxootiga Somalida ku Nool Yemen Kala Hadlay Safiirka Britan u fadhiya Soomaaliya Mr.Neil Wigan.

06 April 2015, Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, xafiiskiisa ku qaabbiley Danjiraha Britan u fadhiya Soomaaliya Neil Wigan, isagoo kala hadley arrimaha qaxootiga Soomaalida ee ku sugan Yemen iyo arrimo kale.

Madaxweynaha ayaa u sharraxay danjiraha dadaalka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay sameysey ee ku wajahan sidii loo soo daadgureyn lahaa qaxootiga Soomaalida ee ku dhaqan Yemen, halkaas oo dagaallo culus ay ka socdaan, isagoo dhanka kalena ka codsadey Britain inay gacan ka geysato hawshaasi.

Waxaa kale oo uu Madaxweynaha ka warbixiyey qaxooti ka imanaya Yemen oo soo gaaray Soomaaliya, kuwaas oo u baahan gargaar aadminimo iyo in gacan la siiyo maamullada ka jira degaannada ay ku soo degayaan.

Danjiraha Britain ee Soomaaliya Mr. Wigan ayaa sheegay dowladdiisu diyaar u tahay wax ka qabashada xaaladahaasi qaxootiga Soomaalida ee Yemen ku sugan, iyo kuwa Yemen ee Soomaaliya soo gaaraya intaba.

Kulanka Madaxweynaha iyo danjiraha ayaa waxaa sidoo kale looga hadley xaaladaha siyaasadda Soomaaliya iyo Hiigsiga sannadka 2016-ka.

 

 

1 COMMENT

  1. Dowladda Soomaliya ha u dirto Safiir Soomali ah.

    kadib Bur burkii Dowladdii dhexe ee Soomaliya waxaa jirey Soomaalibadan oo ubaxay Dalalka Dibadaha ah oo ay ku jiraan US, Austrailia, Canada, Uk and Europe-ta kale.

    Soomalidaasi waxay raadineyayeen nolol ka fiican mida ay markasi ku jireen oo ahayd xaalad xasiloni darro, colaad, gaajo iyo Dagalo sokeeye oo ay dalka soomaliya ka socdeen.

    Soomaalidii u baxdey dibadda waxna waa faaideen waxna waa Qasaareen.

    Faaidooyinka ay heleen waxa ka mid ah in si fiican oo beni aadaninimo ah loogu soo dhaweyey Dalalka ay u haajiren ama aadeen.

    Waxaa la siiyey Dib u dejin iyo Guryo ay ku noolaadaan..
    waxaa la siyey waxbarasho, oo ay ilamaha u aadan sida dugsiyadda sare,college iyo Jaamacaddo..
    Waxaa la siyey Cf.imaad, cisbitaaladda wadamadaasi si lacag la;aan ah loogu daaweeyo.

    iyo Waxbaaayo badan oo ay ka faaideeen mutjtamac ahaan, Balse Qasaraha ka jira ayaa hada waxaad mooda inuu isa soo taraayao maalinba maalinta ka dambeeyso..

    Dowladd ingiriiska waxay noqotey Dowladd taageerto Barnaamij ay ugu magac dareen War on Terror ama Dagalka lagala soo horjeedo ARgagixisadda. taasi oo ay xoogeda ula jeedeen dadka Musliminta ah oo ku nool dalalka Westrenka ah ama reer gal beedka.
    Dowladda ingiriiska waxay ka ciyaareysay doorkii looga idmadey. inkastoo dagaalkasi uusan ku wajahneyn shaqsiyaad, basle ay u wajaheed Qaab wadareed ama aan kala sooc lahayn. dadkii dalkooda ku noola ay ka dhigeen sidey u dhan yihiin ba dad laga shakisan yahay ama ku lug leh ARgagixiso.

    Tani waxay dhalisay inla galey qaladaad aad u tiro badan oo ay ka mid tahay : –

    1. in laga codsado shirkadaha isgaarsinta wadanka britain iney xogta siiyaan dowladda dalka ingiriiska,Qof kasta oo dalkaasi ku nool na, gaar ahan dadka muslimiinta ah la dhageysan karo teleefanadooda. taasi waxay keenta in qaladaad aad u tiro badan la galo, sababto ah Qof kasta oo muslim ah waxa uu noqdey Targed ama Dad laga shakisan yahay. mar haddii isgaarsiintooda si joogta ah loo monitor gareeyneyo. WAxay taasi dhaawacdey xiriirka iyo is aaminaadda u dhaxeysay Dowladda ingiriiska iyo Mujtamaca Islamka ee ku nool dalkaasi, gaar ahaan DAdka Soomaalida ah oo yaahaan dambe shaki weyn kaga jirey qaabka ay u wajahdey dowladda ingiriiska siyaasadeeda ku qotonta la dagaalanka argagixisada.

    2. Waxaa jirey iyana banaamijyo ay qoraan idaacaddaha, jaraa’idyada iyo weliba iney diyaariaan warar been abuur ah oo ka dhan ah dadka dadka magan galyo doonka ah ee jooga Dalka ingiriiska. waxaa maalin kasta lagu daabaca jaraa’ida dalka ingiriska ka soo baxo, sida Dailymail,telegraph,bbcda iwm. Dadka ducaadda ah ee jooga dalka in laga been sheegayo, laguna dacayadeedo dhanka warbaahinta. Arintasi waxay u baahan tahay in la saxo. oo ay dowladda ingiriiska ama safiirka cusub ee Soomaliya u fadhindona Dalka ingiriska wax ka qabto. ma jirto cid hadd masul ka ah ama u heyso xal wanagsan.

    Waxyaabaha u baahan in la soxo aad bey u tiro badn yihiin. Basle waxaa loo baahan yahay in Dowladda soomaliya si dhaqso ah ugu soo magacaawdo Safiir cusub oo yimaadda kana howl gala Dalka ingiriiska.

    Waad mahadsan tihiin.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.