Sawirro-Somalia oo ka Qayb-galay shirkii sideedaad ee Maaliyada Afrika

2015331635633830993715427Xayir 3Wasiir ku xigeenka maaliyadda dowladd Soomaaliya, Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa xukuumadda Somalia uga qayb galay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya shirka wasiiradda maaliyadda iyo dhaqaalaha waddamada Afrika, shirkaas oo sannadkan looga hadlayo sidii dhaqaale ballaaran loogu heli lahaa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Afrika.

Shirkaas ayaa waxaa si wadajir ah u soo agaasimy ururka Midnimada Afrika ee fadhigiisu yahay Itoobiya iyo guddiga dhaqaalaha Afrika (Economic Commission of Africa).

Furitaankii shirka waxaa khudbado ka jeediyey ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hialmariam Deslegn, madaxweynaha waddanka Rwanda Pual Kagame iyo guddoomiyaha Midowga Afrika, Nkasazana Dlamini Zuma.

Sidoo kale, waxaa shirka kalimada ka jeediyey wasiirrada maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha Afrika, iyadoo diiradda lagu saaray sida Afrika ay ku gaari karto Hiigsiga 2063-da oo lagu dajiyay shirkii ururka Afirka ee sanadkii 2014-kii ka dhacay Itoobiya.

Ugu dambeyn, shirk ayaa waxaa laf-dhabar u ah koboca dhaqaalaha Afrika iyo weliba horumarinta Afrika, iyadoo la ogsoon yahay in dalalka Afrika uu dhaqaalahoodu aad u sii kobcayo sanadahan dambe ayna jiraan maalgashiyo kusoo badanaya Qaaradda Afrika.

2015331635633830861528664Xayir 1 2015331635633830993715427Xayir 3 2015331635633831071686838xayir 4 2015331635633831170905479xayir 5 2015331635633831254688360xayir 6 2015331635633831338957799xayir 8 2015331635633831422867699Xayir

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.