Gaas: DF waa ineey xoojiso amniga masuuliyiinta

baribari-aas-garowe-8Waxaa magaalada Garoowe aas qaran loogu sameeyay Danjirihii dowladda Soomaaliya u fadhiyay xarunta Qaramada Midoobey ee xuquuqul insaanka ee magaalada Geneva Yuusuf Bari-Bari oo jimcihii ka mid ahaa dadkii ku dhintay weerarkii Al-shabaab kusoo qaatay hotel Maka Al-mukarama ee Muqdisho.

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Gaas, waxgarad iyo qaar kamid ah bulshada Garowe ayaa ka qayb-galay aaska marxuum Yuusuf Maxamed Ismaaciil Bari-Bari oo ka dhacay qabuuraha Khayr Seexay oo ku yaalla banaanka magaalada Garowe.

“Wuxuu ahaa nin Soomaalinimadu ay ku wayn tahay jecelna in dalkan uu dhibaatada ka baxo, waxaan mar kale tacsi u dirayaa eheladii uu ka geeiyooday iyo waliba ummadda Soomaaliyeed “ ayuu yiri madaxweynaha Puntland oo salaadii Janaasada kadib warbaahinta la hadlay.

Cabdiweli Gaas ayaa dhanka kale Dowladda Federaalka ugu baaqay in ay xil iska saarto dadka mas’uuliyiinta ah ee macna darada loo leynayo.

“Waxaan rabaa inaan u diro fariin dawladda Federaalka Soomaaliya oo ah dadkaasi ah wax ku oolka Soomaaliya oo runtii maalin walba moodo in xamar lagu laynayo in amnigooda la sugo xil gaar ahna layska saaro”.

“Cadaaladda ayaa la horkeeni doona kooxihii soo qorsheeyay Qaraxii hotel Maka-Al-Mukarama ,mana la nasan doono tan iyo inta kooxahaas la soo af-jarayo,“ sidaasi waxaa yiri Wasiirka cadaaladda Soomaaliya Ilka jiir oo ka mid ahaa xubnihii Wasiirada ee ka raacay Muqdisho diyaaradii sitay meydka marxuumka

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.