Weerar Qasaaro Kala Duwan Dhaliyay oo Ka Dhacay Afgooye.

Suuqa Qudaarta Afgooye
Suuqa Qudaarta Afgooye

Ugu yaraan labo qof ayaa geeriyootay shan kalena wee dhaacmeen sabtida maanta markii bam gacmeed lagu tuuray goob dadkaas ay ku sugnaayeen oo ku taallo degmada Afgooye ee gobolka Shabelada hoose.

“Kooxaha argagixisada ayaa nagu soo tuuray bam gacmeed inagoo ku sugan goob suuq ah oo ku taallo degmada Afgooe ayuu yiri Ismacil Aden wuxuuna intaas ku daray in dad badan ay ku sugnaayeen suuqa markii falka uu dhacayay.

Booliska ayaa intaas ku daray in bartil maameedka kooxaha bamka tuuray ay ahayd ciidamo canshuur ka aruurinayay suuqa degmada Afgooye,islamarkaasna kooxihii bamka tuuray ay isaga carareen goobta waxyar kadib markii weerarka uu dhacay.

Saraakiisha dowladda Somalia ayaa sheegay in dhamaan dadka dhibaatada ay kasoo gaareen qaraxaan ay ahaayeen shacab waxaana kuwii dhaawacmay loo qaaday magaalada Muqdisho si halkaas ay daween ug helaan.

Degmada Afgooye ayaa qiyaastii 30Km dhanka koofur kaga beegan caasimadda Somalia waxayna horey ugu tirsanayd goobaha sida xoogan ay gacanta ugu hayaan Ururka Al Shabab waxaana ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ay kala wareegeen Al Shabaab sanadkii 2012.

War lagu soo qoray bog Twitter ah oo ay adeegsadan kooxda Al Shabab ayay kooxda AL Shabab ku sheegatay weerarkii maalinka sabtida ka dhacay suuqa Degmada Afgooye oo dad Shacab ah lagu dillay kuwo kalena lagu dhaawacay.

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.