Jowhar: Horumarka Shabelada Dhexe oo Laga Hadlay – SAWIRO

Guddoomiyaha Gobolka Shabelada Dhexe oo Kulan La qaadanaya Qurbo Joog iyo masuuliyiin Madaxtoyada ka socda.
Guddoomiyaha Gobolka Shabelada Dhexe oo Kulan La qaadanaya Qurbo Joog iyo masuuliyiin Madaxtoyada ka socda.

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta uu magaaladaas ka dhacay kulan balaaran oo looga hadlayay sidii loo hormarin lahaa guud ahaan deegaanada gobolka Shabelaha Dhexe.

Qurbo joog kasoo jeedo gobolka Shabelaha Dhexe, iyo Masuuliyiin ka socday xafiiska Madaxweynaha Somalia, Aqoonyahanno, waxgarad iyo qeybaha kale bulshada ayaa la kulmay guddoomiyaha maamulka gobolka Shabelaha Dhexe Cali Guudlaawe waxaana kulankaan uu ahaa mid looga arinsanayay sidii qurbo joogta kasoo jeedo gobolka Shabelaha dhexe ay ugu qeyb qaadan lahaayeen horumarka deegaanada kala duwan ee gobolka Shabelaha Dhexe.

qurba_2

Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabelada dhexe Cali Guudlaawe ayaa ugu warbixiyay ,Masuuliyiinta ka socday Madaxtooyada,qurbo jooga iyo qeybaha kale ee bulshada ee ka qeyb galay kulankaan horumarka iyo sida maamulkiisa uu ugu shaqeenayo dar dar galinta horumarka ka soconaya gobolka Shabelada dhexe .

Maamulka Shabelada dhexe ayaa ugu baaqay jaaliyadda kasoo jeedo gobolka Shabelada dhexe inay maal gashi ku sameeyaan oo ay ka qeyb qaataan horumarada kala duwan ee ka socda gobolka.

Ugu dambeyn maamulka gobolka Shabelada dhexe ayaa ka qeyb galayaashii kulanka sida Jaaliyadda kasoo jeedo gobolka Shabelada dhexe iyo masuuliyiinta ka socday madaxtooyada dalka Somalia ay booqdeen xarumo badan sida isbitaalka Magaalada Jowhar,Suuqa Xoolaha degmada jowhar iyo goobo kale.

Magaalada Jowhar ayaa kamid ah xiligan Magaalooyinka ugu nabdoon Koonfurta Dalka Soomaaliya, waxaana mudooyinkii dambe magaaladaasi gaarayay dad qurbo joog ah oo dalka dib ugu laabtay kuwaa oo ku haminaya in mashaariic ka fuliyaan Magaaladaasi.

gel

qurba_6 qurba_5 qurba_4 qurba_3 qurba_2 qurba_1 Kulanka gel

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.