Caalamka iyo Dabaaldagyada Ciida Neeyruz

Flag_of_Turkey.svgDabaaldagyada ciida Nevruz (Neyruus) ayaa maanta oo ah 21 March sanadka 2015 ka bilowday dalka Turkiga, qaar ka mid ah dalalka deriska la ah iyo qeybo ka mid ah wadamada dhaca bartamaha Asia, iyo bariga Yurub.

Magaca Nevruz  asal ahaan waxa uu ka yimid luqada Faarisiga ee Persia ama Beershiyiinti hore dalka iminka loo yaqaano Iran   “nev” waxa uu la micno yahay  (cusub) halka “ ruz” uu yahay (maalin), sidaasi darted kalandaariyahi hore ee Beershiya maalinta nevruz waxa ay u aheyd maalinta koowaad ee sanadka cusub iyo bilowga xiliga Guga.

Ciida Neyruus waxay leedahay magacyo kala duwan oo ay u kala yaqaanaan qowmiyadaha xusa waxaana ka mid ah Nevruz-i Sultan, Sultan Nevruz, Navrız iyo Mart dokuzu (Sagaalka Maarso) oo looga yaqaano qeybta Asia ee Turkey ee loo yaqaano Anatolia.

Culimada xaga juqraafiga ayaa sheega in qorraxda ay iftiin iyo  cadceed badan siiso qeybta cirifka koonfureed ee aduunyada ilaa laga soo gaaro 21 Maarso, sidaasi si la egna ay u weecato cirirfka waqooyi dhamaadka bisha Maarso, sidaasi daraadeed dadka qaar ayaa u sababeeya dabaaldaga nevrus helitaanka qorraxda iyo curashada Guga mid u ah baraarug iyo halabuur.

                                   DALALKA LAGA XUSO
Dalka Turkiga dabaaldaga nevruz wuxuu uga dhiganyahay in uu dhamaaday qaboygii jilaalka lana galay xilliga guga, waxa kale oo loo yaqaanaa xiligii dalag gurashada oo ah waqtiyada ay soo go,aan beeraha.

Sidaasi si la eg dabaaldagyada caada dhaqameedka Neyruus waxaa laga xusaa dalalka deriska la ah Turkiga, kuwa qaraabada la ah oo ah dalal ay dagaan dad asalkooda kasoo jeeda qowmiyada Turk sida  Azerbaijan, Turkmenistan, Kazakhstan, Kyrgyzstan, Uzbekistan, Tajikistan iyo Mangolia. Waxaa kale oo laga xusaa qaar ka mid ah dalalka la isku yiraahdo Balkans-ka ee dhaca  xaga koonfurbari Qaarada Yurub. Dalalkaas waxaa ka mid ah Albania, Bosnia & Herzegovina, Bulgaria,Croatia, Greece, Macedonia, Montenegro, Romania, Serbia iyo Slovenia.

Dalalkaas oo kaliyah kuma koobna meelaha laga xuso Neeyruus, ee waxaa kale oo looga dabaaldagaa dalalka Afghanstan, Syria, Iraq iyo qoymiyadaha muslimka ah ee daga dalalka India, Geogria iyo Muslimiinta dagta gobolka Crimea ee uu dhawaan qabsaday Russia horayna uga tirsanaan jirtay Ukrain iyo sidoo kale Muslimiinta ku nool bariga China ee loo yaqaano Uyghur-ka.

Inkasta oo ay isku mid yihiin maalmaha ay u dabaaldagaan dadyoowga xusa caada dhaqameedkaan Neyruus hadana waxay ku kala duwanyihiin fikir ahaan waxa ay ka aaminsanyihiin iyo sababta ay u xusayaan, taasina waxay ku saleysantahay kala duwanaashaha xaga mabaadi,da diiniga ah iyo tan dhanka madaahibta ah.

Dadka Shiicada Iran oo ah kuwa ugu badan ee u dabaaldaga Nevrus, kasokoow in ay u tahay sanadka cusub ee wadanka hadana waxay aaminsanyihiin in 21-ka March ay tahay maalinti uu ILAAH abuuray Nabi Adam (CS) iyo sidoo kale Qorraxda. Laakin Bulshooyinka Calawiyiinta Shiicada ayaa rumeysan in Neyruus ay tahay dhalashadi Cali Bin Abi Talib (RC) iyo sidoo kale maalinti ay is guursadeen Cali iyo Fatima oo aheyd gabadhi Nabigeena Muxamed (NNKH).

HABKA DABAALDAGA NEYRUUSKA

Sultaanadi hore ee Boqortooyadi weyneyd ee Islaamka ee Cusmaaniyiinta caasimadeeduna aheyd Istanbul aad beey u qiimeyn jireen maalmaha Neyruuska. Waxaa jiray bandhigyo xaga gabayada iyo qasiidooyinka ah kuwaas oo ay ku ku luqeyn jireen shaaciriin iyo abwaano.  Sultaanka talada haya iyo saraakiisha ayaa abuuri jiray ubaxyo iyo geedo dadkana waxay soo xiran jireen dharkooda kuwa ugu qurxan.

Waxa kale oo dhaqanka ka mid ah in reeraha ay diyaariyaan cunto isugu jirta bariis, ukun korka looga xardhay midab jaalla ah iyo caano fadhi ah, dadka ayaa isu hambalyeeya waxaana maalinta labaad ee Neyruus ay dadka carruur iyo cirroolaba soo booqdaan qabriyada halkaas oo ay ku sheekeystaan mowtadana ugu duceeyaan waxna ku cunaan.

Waaa intaasi dheer in casiradi iyo waqtiyada gabal dhaca ay dadka shidaan dab halkaas oo ay ku tuntaan ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka kadibna ay ka boodaan dabka dushiisa iyaga oo u arka in ay kasoo gudbeen oo ay gadaal iska mariyeen dhibaatadi sanadki hore rajana ka qaba nasiibka wanaagsan ee sanadka cusub.
Ilaa iyo hada sidaasi ayey u xusaan dadka Turkishka ah caadada Neyruus haba ugu badnaadeen qowmiyada Kurdiga ee daga gobolada koonfurbari ee Turkey.

Magaalada Diyarbakır oo ah magaalada ugu weyn oo ay ku noolyihiin kurdiyiinta ugu badan Turkiga ayaa ah halka uu ka dhaco xuska ugu weyn ee Neyruus halkaas oo ay isugu soo baxaan malaayiin ruux.

Fagaaraha Nevruz square ee magaalada Diyarbakir maanta oo ah 21-ka March sanadka 2015 waxaa soo xaadiray malaayiin ruux si ay u dhageystaan warqad furan oo uu soo qoray hogaamiyaha Xisbiga Shaqaalaha Kurdiyiinta PKK ninka la yiraahdo Abdalla Ocalan kaasoo tan iyo sanadki 1999-ki ku jiro xabsi kadib marki lagu xakumay xabsi daa,in.

Ocalan wuxuu ugu baaqay dagaalyahanada jabhada mamnuucda ka ah dalka Turkey ee PKK in ay aqbalaan shirweyne aan caadi aheyn si ay u dhigaan hubka nabadana u qaataan taasoo gaba gaba u noqon doonta colaada soo jiitameysay 40-ka sano ee u dhaxeysa Kurdiyiinta iyo Turkiga ee ku saabsan hanka Kurdiyiinta Turkiga oo raba in ay helaan madax banaani.

Muhiimada maalintan darteed madaxda ayaa dhambaalo hambalya ah u diro shacabka, qaarkoodna fariimo siyaasadeed ayey toos ugu sheegaan ama hawada u mariyaan.

                    SOMALIA IYO NEYRUUS

Dadka lafa guro dhaqanka Soomaalida ayaa sheega in Neyruuska Soomaaliya uu yahay Dabshidka iyo Istunka, hase yeeshee ay ku kala duwanyihiin waqtiga ay umadaha kale ee caalamka sida Iraniyiintu iyo Turkida sameeyaan oo ah bisha March halka Soomaalidana ay xusaan bisha July.

Hase yeeshee qorayaasha qaar ayaa ku dooda in gobolada Puntland ee Soomaaliya kaliyah laga xuso caadada Neyruus ama magacaas Neyruus oo qura loogaga yaqaano deegaanadaasi, waxaana taasi laga fahmi karaa heesta uu allifay abwaan Cabdulqadir Cali Cigal ee Neyruus taasoo ay ku luqeeyaan labada fanaan ee ugu codka macaanaa Soomaalida ee ka la ah Boqorka codka Maxamed Suleebaan Tubeec iyo boqorada codka Xalima Khaliif Magool (AHN) labadaba.

Heestaas oo abwaanku ku xusay ciida Neyruus isaga oo dhahaya {Neeyruusku waa ciid waa nagi aduunyadu}

Hadii Neyruus meelo yar oo ka tirsan Somalia uu ka jiro hadaba isaga oo wata magacyo kale balse la mid ah ama aad u shabaha caada dhaqameedyadaasi caalamiga ah ayuu ka jiraa koonfurta iyo bartamaha Somalia waxaana la yiraahdaa Dabshid ama Istunka ama Badgalka.

XIRIIRKA KA DHAXEEYA NEYRUUS IYO DABSHIDKA

Dabshidka ama Istunka taariikhyahanada Soomaalida waxay sheegaan inuu soo jiray qarniyo badan ka hor inta aysan Diinta Islaamka soo gaarin Soomaalia. Dabshidka waxa uu ahaa sanadka rasmiga ah ee dadka Soomaaliyeed ama Kalandarka Soomaalida ka hor inta aanay Soomaalida bilaabin adeegsiga taariikhda Miilaadiga ama taariikhda Hijriga ee Islaamka.

Gobolada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa ah halka sida aadka ah looga dabaal dago caada dhaqameedka dabshidka haba ugu sii darnaato magaalooyinka iyo deegaanada labada Wabi ee Juba iyo Shabelle iyo kuwa xeebta Badweynta Hindiya.

Dabshidka ama Istunka iyo Badgalka sanad walbaa waxa uu dhacaa bisha July, deegaanada iyo tuulooyinka ay dagaan dadka beeraleyda ah ayaa mararka qaar waxay ku aadiyaan bilaha July iyo August markaas oo ay ku beegantahay xilliyada ay soo go,aan dalagyada beeraha.

         QAABKA LOOGU DABAALDAGO DABSHIDKA

Dadka iyo qabiilada kala duwan ee daga koonfurta  iyo bartamha Soomaaliya waa ay ku kala duwanyihiin caada dhaqameedkaan. Tusaale ahaan Magaalada Muqdşsho Maalinta Dabshidka waxaa jiro laba ciyaarood oo waayen, midi waa Badgalka oo dadka ayaa gala bada iyaga oo gowraca xoolo si ay u xusaan sanadka cusub uguna duceystaan in sanadka cusub uu u noqdo mid wanaagsan oo nabad ah.

Waxa kale oo magaalada lagu soo bandhigaa ciyaaro hido iyo dhaqan sida shiribka reer Banaadiriga, iyo shiribka barbaarta gaashaaman iyo ciyaaraha kale ee shiribka Daynile.

Waxaa kale oo jira ciyaaro dhaqameedyo kala duwan oo ay dadka tuntaan ama ciyaaraan oo ku saabsan maalmahan.

Magaalada Jowhar iyo tuulooyinka hoos yimaada ee ku hareereysan wabiga Jiinkiisa  iyo sidoo kale degmada Balcad waxaa laga ciyaaraa ciyaaraha Shiribka noocyadiisa kala duwan.

Guri walba hortiisa ayaa waxaa lagu shidaa dab, dhamaan xubnaha qoyska ayaa mid mid uga booda iyaga oo aaminsan in ka boodista dabka micnaheedu yahay in aad gadaal marisay sanadki tagay kuuna bilowday sanad cusub oo la socda da,da aad jirto.
Sida ay odayaashu sheegaan, waxaa kale oo lagu cabiraa dab shidka qof walba sanadka uu jiro, iyada oo ay dadku isugu hambalyeeyaan cimrigooda.

Deegaanada uu maro wabiga Jubba ayaa dadku xiliga Dabshidka isugu soo baxaan waxaana ay sameeyaan xaflado iyo munaasabado. Dhalinyarada ayaa ciyaara shiribka, qaar tartamo ayey sameystaan halka culimadana ay aqriyaan qur,aan iyo xadro.

                     ISTUNKA AFGOOYE.

Istunka waxa uu caan ka yahay magaalada Afgooye oo ku taala duleedka koonfureed magaalada Muqdisho. Istunka oo lagu tilmaamo qeyb ka mid ah Dabshidka isaga ayaa ugu caansan uguna xiisa badan.

Dhalinyaro ka kala mataleysa dadka daga daanta Galbeed ee Wabiga iyo daanka Bari ee magaalada ayaa iyaga oo ah laba saf oo iska soo horjeeda isa soo hor istaaga kadibna isku bilaabo ulal.

Ulaha ay isu adeegsadaan ma ahan kuwo waaweyn hase yeeshee waa xanuun sida ay sheegeen dad ka qeybgalay. Intalagu guda jiro munaasabada Istunka dadku waxay isku eryadaan dariiqyada iyo xaafadaha magaalada iyaga oo istumaya..

Waxaa kale oo jira ciyaaro hidaha iyo dhaqanka ah oo bar bar socda Istunka Afgooye.

Taariikh ahaan waxaa la sheegaa inuu aad u hormaray  waqtigi boqortooyadi Ajuuraan ee Koonfurta Soomaaliya, waxaase uu aad usoo shaac baxay waayadii uu Afgooye ka talin jiray Suldaankii Geledi qarnigi 19-aad ee Miilaadiga.

Istunka lagama sameyn Afgooye iyo hareeraheeda tan iyo marki ay qabsadeen Islaamiyiinta Soomaaliya gaar ahaan xarakada Al Shabab qeybo badan oo ka mid ah Somalia, walow ay hada lumiyeen dhamaan magaalooyinka caanka ah ee dalka Somalia oo ay Afgooye ku jirto.

Sidaasi si la mid ah caada dhaqameedyada kale sida Dabshidka iyo Badgalka ayaa aad ugu yaraa meelihi ay ka talin jireen Al Shabab ee koonfurta iyo bartamaha Somalia, sababoo ah Shabab ayaa mamnuucay iyaga oo ku tilmaamay kuwo lidi ku ah Diinta Islaamka.

W/Q: Nur Hassan Nur (Bukhari)
E-mail: Nuurbukhaari
@gmail.com

Marjacyo:

1)  http://www.turkishculture.org/lifestyles/ceremonies/nevruz-221.htm?type=1

2)  http://www.worldatlas.com/webimage/countrys/europe/balkans.htm

3)  http://www.hurriyetdailynews.com/ocalan-urges-pkk-to-convene-congress-to-lay-down-arms.aspx?pageID=238&nID=79988&NewsCatID=338

4) Mohamed Diriye Abdullahi, Culture and Customs of Somalia, 2001.

5) Ali Jimale Ahmed, The Invention of Somalia, 1995.

6) http://en.wikipedia.org/wiki/Istunka

7) http://www.bbc.co.uk/somali/news/030723_afgoye.shtml, 2003

8) Abdulkadir Abiikar, Somalia: Dab Shid – An ancient pre-Islamic culture that evolved into religion and culture:

http://www.somalicurrent.com/2014/10/07/somalia-dab-shid-an-ancient-pre-islamic-culture-that-evolved-into-religion-and-culture/

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.