Mareeykanka oo xaqiijiyay ineey dileen sarkaal Alshabaab katirsan

drones
drones

Wasaarada Gaashaandhiga Mareeykanka ayaa xaqiijisay, in mid kamid ah diyaaradaha Droneska duqeyn ay Soomaaliya ka fulisay, lagu dilay Sarkaal Alshabaab katirsan oo lagu magacaabo Aadan Garar.

Saraakkiil sirdoonka Kenya ka tirsan ayaa sheegay inay heleen xog muujineysa in duqeyntii cirka ee Khamiistii ka dhacday deegaan u dhexeeya gobollada Baay iyo Gedo lagu dilay madaxii Amniyaatka Al Shabaab Aadan Garaar.

Saraakiishan u hadashay sirdoonka Kenya oo diiday in la garto ayaa sheegay in duqeynta diyaarad aan duuliye lahayn (drone ah) oo Mareykanku leeyahay gallabnimadii Khamiistii ka geysatay meel u dhow tuulada Aqab-Buul oo u dhexeysa degmooyinka Diinsoor iyo Baardheerelagu dilay sarkaalka lagu magacaabo Aadan Garaar oo ahaa madaxii kooxda Amniyaatka Al Shabaab.

“Hogaamiyahaan la dilay waxaa diyaariyay sanadkii hore qaraxyo iyo weeraro abaabulan oo la fashiliyay oo lagu qaadi lahaa magaalooyin bariga Africa ku yaala haddana waxaa uu gacanta ku hayay oo uu qorshaynayay diyaarinta weeraro ka dhacay Nairobi, Mombasa iyo Kampala” sidaas waxaa yiri sargaal hay’adaha amaanka Kenya u hadlay oo magaciisa la qariyay.

Dawlada Mareykanka weli kama aysan hadlin duqeynta Khamiistii ka dhacday inuu ku dhintay ninka la sheegay inuu ahaa madaxii Amniyaatka Al Shabaab iyo in kale.

Saraakiisha Kenya waxay sheegayaan in Aadan Garaar uu ka mid ahaa raggii abaabulay weerarkii Westgate ee sanadkii 2013 laga fuliyey magaalada Nairobi, iyo isku day kale oo baabuur qaraxyo sida lagu qabtay magaalada Mombasa sanadkii hore ee 2014.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.