Hogaamiyihii 2aad oo 24-saac gudahood Alshabaab laga dilay

Ciidamada DF ee ku sugan Gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Buurdhuubo, ayaa maanta dilay sarkaal sare oo Alshabaab katirsan.

Hogaamiyahaan al-Shabaab ka tirsan waxa la xaqiijiyay in lala dilay Labo kamid ahaa Ilaaladiisa, waxa uuna dilka Hogaamiyahaan imaanayaa kadib markii ay wadada u galeen Gaari ay la socdeen Ciidamada DF Somalia.

Dilka Hogaamiyahaan iyo Labadiisa ilaalo ayaa waxa uu ka dhacay deegaan ku dhow degmada Buurdhuubo ee Gedo, waxa uuna dilkaasi daba socdaa dil qorox dhicii shalay lagu dilay Sheekh Aadan Garaar oo kamid ahaa hogaamiyaasha Al-Shabaab ugu sareeya.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.