Ragii fuliyay qaraxii xalay Muqdisho ka dhacay oo la qabtay

Ambulance arrives at the scene of an explosion outside the Maka Al-Mukarama hotel in Somalia's capital Mogadishu

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumada Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa ka hadlay qaraxii gaariga loo adeegsaday ee xalay ka dhacay dhabarka dambe ee Hotelka Caanka Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa amaanay Ciidamada dowlada Soomaaliya gaar ahaan kuwa nabad sugida iyo booliiska uu sheegay in ay fashilyeen weerarkaasi uu qorshuhu ahaa in waxyeelo xoogan lagu geesto.

C/risaaq Cumar Maxamed , ayaa xusay in ciidamada amaanka ee weerarkaasi fashilyay ay ku guuleesyeen in ay gacanta kusoo dhigeen afar nin uu sheegay in ay wateen gaarigii ku qarxay dhabarka dambe ee Hotelka Maka Al-Mukarama.

Wasiirka Amniga Qaranka ayaa sidoo kale ku aamay shacabka Magaalada Muqdisho sida ay ula shaqeeyaan ciidamada dowlada Soomaaliya, waxa uuna intaa raaciyay wada shaqeynta dhax marta shacabka iyo Ciidamada ay wax badan ka tareyso in laga hortago weerarada argagaxiso ee mararka qaar dhaca.

Xalay ayaa gaari waxyaabaha qarxa lag soo buuxiyay waxa uu ku qarxay dhabarka Dambe ee Hotelka Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho, qaraxan ayaana la sheegay in ay ka dhasheen dhaawacyo yar iyo bur bur hantiyadeed.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.