Mareeykanka oo barnaamij u dajiyay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku biirta……

ap101021149139_606Doowlada Mareeykanka ayaa barnaamij maaligalin ah u diyaarisay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas, kuwaasoo ku biira ururada argagixisada.

Barnaamijkan maalgalinta ah oo ku kici doona $15 million, waxaana loo qoondeeyay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Minneapolis oo kaliya.

Sanadihii lasoo dhaafay masuuliyiinta Minneapolis, ayaa dagaal kula jiray dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku biira kooxaha Argagixisada, sida Alshabaab iyo kooxda Daacish.

Inkabadan 20 dhalinyaro Soomaliyeed, ayaa ku biiray koxda Alshabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta iyo kooxda Daacish.

Barnaamijkan ayaa waxaa garab weyn ka geysan doona masuuliyiinta gobolka, waalidiinta dhalinyarada Soomaaliyeed iyo madaxda Jaaliyada.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.