Warbixin: Buula-barde oo qarka u saaran in Musiibo bini’aadanimo ka….

download (3)Xaalad nololeed oo adag ayay ka sheeganayaan, cuqaasha iyo maamulka degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan. Degmada ayaa mudo go’doon waxaa ku hayay xoogaga Alshabaab, tan iyo mudo sanad ah markii ay gacantooda ka baxday.

Go’doonkaas ayaa iminka keenay, in dadka deegaanka ay soo kartay, waxaana odoyaasha iyo maamulka oo la xiriiray BBC-da, ay sheegeen in hadii xaalada ay sidaan kusii socoto dad iyo duunyo badan ay halis gali doonaan.

Qeylo dhaanta kasoo yeereysa maamulka iyo dadweynaha ku dhaqan degmada Buulo-burde, waa mid sii kordheysa maalinba maalinka ka danbeysa.

Magaalada oo ay hareeraha ka fadhiyaan Alshabaab, ayaa go’doon ahayd mudo hal sano ah, tan iyo Bishii March ee sanadkii hore, markaasoo ciidamada DF iyo kuwa Jabuuti ee AMISOM, ay Alshabaab kala wareegeen.

Majiro Gaadiid dadweyne oo si furan halkaasi gaadiid ugu qaadi kara, waxaana gawaari 10 kabadan iyo gaari Dameero raashin u waday degmada ay Alshabaabku qabteen kadibna gubeen, iyadoo dadkii waday qaarkood la toogtay, qaar kalena ay dirqi ku baxsadeen.

Sida ay cadeeynayaan dadka iyo cuqaasha ku haray degmada, in xaalad bini’aadanimo oo aad u xun ay ka dhalatay go’doominta, waxaana ay cadeeynayaan in nafaqo daro durbaba lagu arkayo caruurta iyo dadka nugul.

Siihayaha degmada gudoomiyaha degmada, Liibaan Cabdi Burusoow, oo BBC-da u waramay, ayaa sheegay, in xaalada ay tahay mid aad u halis ah hadaan gurmad doowlada lasoo gaarin.

Codka Liibaan Cabdi Burusoow:

Loorka Sokorta ee Jowhar kajooga 29$, waxa uu Buuloburde ka marayaa 60$ ama halmilyan iyo laba boqol oo kun oo shilinka Soomaaliga ah, sidoo kale loorka Bariiska ah ee 28$ kajooga Jowhar, waxa uu Buulo-burde kajoogaa 56$ ayuu ka marayaa Buula-burde, sidoo kale Kartoonta Baastada ah 8$ kajooga Jowhar, waxa uu Buula-barde kamarayaa 15$ hadiiba la helo, tiiyoo dadka ay shaqo la’yihiin aysan jirin meel qarash kasoo galo.

Siihayaha Gudoomiyaha Degmada Liibaan Cabdi Burusoow, waxa uu doowlada iyo Hay’adaha gargaarka ugu baaqay, ineey yimaadaan degmada oo ay indhahooda ku arkaan dhibaatada ay ka qeylinayaan, waxaana uu gudoomiyaha uu intaasi raaciyay, in ay qayaasayaan in masiibo culus ay dhici doonto.

Sanadkii lasoo dhaafay 2 jeer, ayaa raashin mucaawino ah si dhib ah lagu geeyay degmada, waxaana raashinkaas laga qaaday magaalada B/weyne, doowlada Jabuuti ayaana raashinkaas ugu deeqday dadka ku nool degmada Buula-barde, markii xigayna Raashin mucaawino ah oo ay wasaarada arimaha gudaha oo Muqdisho laga daabulay, ayaa halkaasi la gaarsiiyay, hasa yeeshee dadku waxay ka doorbidi lahaayeen in wadooyinka ganacsiga loo furo.

Shabaabku waxay aaminsanyihiin in Degmada ay ku noolyihiin Cadaw iyo Cadaw kalkaal sida ay sheegaan.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.