Sawiro: Wafdi kasocda maamulka Gal.mudug oo gaaray Cadaado

1-3-300x225

Waftigaan oo iskugu jirey Salaadiin. Xildhibaano. Iyo Masuulyiinta Gobolka Mudug ee Maamulka Gal.Mudug. ayaa siwayn loogu soo dhaweeyay magaalada cadaado.waxaana soodhawaynta kaqayb qaatey Masuuliyiin Kasocday maamulka ximan iyo xeeb iyo qaybaha bulshada.Waftiga ayaa loo dhaadhiciy Hotel Centeral oo ay kuhoyanayaan.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Aways Cali Saciid Iyo Suldaan C.naasir Jaamac Seed oo labaduba kamid ah Waftiga ayaasi.iskumid warfidiyaanada ugu sheegay in ay cadaado u imaadeen sidii ay wadatashi ula yeelan lahaayeen Masuuliyiinta.Maamulka Ximan Iyo Xeeb,Iyo sidii looga arinsan lahaa Qabsoomida Shirka Maamul Usamaynta Gobolada Mudug IyoGal.gaduud. oo dhowr jeer dib u dhac kuyimid.

1-8

Dhanka Kale Wasiirka arimaha Bulshada Ximan iyo Xeeb Cumar Maxamed Diiriye Cumar Guureeye ayaa warbaahinta usheegay in maalinka bari laqab doono kulan wayn oo lagu soo dhawayn doono waftiga.isla markaana loosoo bandhigi doono warbaahinta qorshaha waftiga Reer Gal.mudug ee yimid Magaalada Cadaado.

DSCN7717

Socdaalka Waftiga ayaa kusoo beegmaya xili Magaalada Cadaado ay siwayn ugu soo qul qulayaan Ergooyinka kaqaybgalaya Shirka Maamul Usamayn Gobolada dhaxe oo gogoshiisa taalo Magaalada Cadaado ee Xarunta Xaamulka Ximan-Xeeb.

Xigasho: Baxdo.com

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.