Qarax Muqdisho ka dhacay

qaraxa-fiyooraha-8Qarax culus ayaa ka dhacay agagaarka Maka Al-Mukarama Hotel ee magaalada Muqdishu sida ay goobjoogayaal noo xaqiijiyeen.

Ugu yaraan shan qof oo u badan rayid ayaa la sheegay inay weerarkan ku dhaawacmeen.

Weerarkan ayaa la sheegay inuu ka dhashay walxaha qarxa oo lagu soo dhex-qariyey baabuur la dhigay waddo u dhow huteelka.

Aragagax ayaa la sheegay inuu ka dhacay goobta markii uu qaraxu dhacay kadib.

Mas’uuliyiinta amniga ee dawladda ayaa markiiba goobta gaadhay, iyaga oo isku wareejiyey halkaasi.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.