Dhoobleey: Ciidamada DF oo qabtay ajaanib dooneysay ineey Alshabaab ku..

Ciidamada Soomaaliya oo ku nasanaya cagaarka iyo geedaha quruxda badan ee Jowhar.
Ciidamada Soomaaliya oo ku nasanaya cagaarka iyo geedaha quruxda badan ee Jowhar.

Ciidamada Doowlada Soomaaliya ee kusugan degmada Dhoobleey ee Jubada Hoose, ayaa gacanta ku dhigay 6 ruux oo ajaanib ah, kuwaasoo kasoo tallaabay xuduudka Kenya doonayayna ineey ku biiraan ururka Alshabaab.

Lixda nin oo labo kamid ahi Soomaali yihiin, labana Kenyan, labada kalena dalka Tanzania u dhasheen, waxaa gacanta ku dhigey ciidamada Dowladda Federaalka ee gobolka Jubbada Hoose ku sugan.

Taliyaha ciidamada ammaanka ee aagga Dhoobley Haybe Axmed Cabdullaahi oo la hadlay qaar kamid ah warbaahinta maxalliga ah ee magaalada Muqdisho ayaa warkan sheegay, isagoo xusey in nimankaasi wateen qoraallo cadeynaya inay ku wajahan yihiin deegaannada Al-shabaab maamusho.

Taliye Haybe wuu ka gaabsadey inuu bixiyo faah faahin intaas ka badan, wuxuuse tilmaamey in xilligan dadkaas baaritaan lagu wado suuragalna ay tahay in dhowaan loo soo gudbiyo dhanka magaalada Muqdisho.

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.