Saraakiil loo xir xiray qaraxi Hotel SYL oo maxkamad lasoo taagayo

Somali government soldiers and AMISOM peacekeepers secure the scene of a suicide car explosion in front of the SYL hotel in MogadishuDoowlada Soomaaliya, ayaa sheegtay ineey jiraan saraakiil loo xir xiray qaraxi 22ki Janaayo ka dhacay Hotelka SYL. Doowlada waxay sheegtay in saraakiishaas loo gudbiyay Xabsiga dhexe, islamarkaasna goordhow maxkamad lasoo taagi doono.

Dr Axmed Cali Abuukar ku xigeenka Xeer-ilaaliyaha Qaranka oo kamid ahaa gudiga loo xilsaaray baaritaanka arintan ayaa sheegay in 11 ruux oo lagu eedeyay in ay falkaasi ka dambeeyeen xabsiga dhexe loo gudbiyay isla markaana baaritaano lagu sameyn doono.

Ku xigeenka Xeer-ilaaliyaha qaranka ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xarunta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed uu ku sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan Maxkamad loo soo taagi doono shakhsiyaadkii lagu helo in ay fududeeyeen qaraxiika dhacay Hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho.

“Dadka la qabtay waxaa ku jira saraakiil ,Waxaan aaminsanahaya in aan kiisaska arintan aad de dejinay maadaama arintan ay aheyd mid culeyskeeda leh waxaana loo gudbinayaa Maxkamadda ku shaqada leh” ayuu yiri Dr Axmed.

Dr Axmed ayaa sidoo kale sheegay in dadka hadda la qab qabtay ay yihiin oo kali ah tuhunsanayaal isla markaana ay kala saari doonoto Maxkamad.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in gudi ay u saartay oo baaritaano ku sameynaayo qaraxii 22-ka bishii Janaayo ee sanadkan, waxaana laga dhursugayay natiijada baxda baaritaanada ay gudigu sameeyeen.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.