Ciidamada DF oo deegaan cusub kala wareegay Alshabaab

10986_765380653500902_551080865829127996_n

Ciidamada DF oo gacan milatari ka helaya kuwa AMISOM, ayaa Alshabaab kala wareegay deegaanka Mmasaajid Cali-gaduud oo katirsan Gobolka Shabeelada Dhexe.

Ciidamada isbahaysanaya iyo kuwa Al-shabaab uu muddo kooban dagaal ku dhexmaray deegaanka ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

“Deegaankan Al-shabaab waxay shacabka kaga qaadi jireen lacago, waxaana intii aan howlgalka ku jirnay aan ku dilnay saddex ka mid ah kooxda Al-shabaab, hub badanna waan kaga furannay,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan kuwa hoggaaminayay dagaalka oo warbaahinta la hadlay.

Masaajid-Cali-guduud ayaa ah deegaan ay sii maraan gaadiidka xamuulka ah ee isaga kala goosha deegaanno ka tirsan gobollada dhexe ee Somalia iyo Muqdisho, iyadoo deegaankan uu muddo sannado ah gacanta ugu jiray Al-shabaab.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.