Saraakiil hore oo soo dhaweeysay xirista saraakiil Alshabaab xiriir la leh

images (5)Korneyl Xuseen Maxamed Roobow oo ka tirsanaa Saraakiishii ammaanka ee Dowladdii Dhexe Somaliya, ayaa soo dhaweeyay in Dowadda Somaliya ku soo baraarugto inay baaritaano ku sameyso Saraakiisha Ciidamada Nabad Suggida iyo Booliska Qaarkood.

Korneyl Xuseen Maxamed, ayaa yiri “Laga soo bilaabo Dowladdii C/qaasim Salaad Xasan waxaa la qoraayay Saraakiil amaba la dalacsiiaayay, iyadoo aan la fiirinayn meelaha ay ku xiran yihiin.”

“Waa wax fiican in maanta Dowladda ku soo baraarugto inay hubsato Saraakiisheeda, kuwa meelaha kale ku xiran iyo kuwa muwaadiniinta ah, ee qaranka u adeegaya.” Ayuu yiri Korneyl Xuseen Maxamed.

Korneyl Roobow waxa uu markale yiri “Qaabka ciidanka lagu qoro waala yaqanaa, ciidanka waxaa la rabaa qof daacad u ah ciidanka inuu ku jiro oo keliya. Qof aan daacad u ahayn haddii uu ku dhex jiro, dhibaato ayuu geysan karaa.”

Waxa uu intaa raaciyay “Haddii Dowladda uu ku jiro hal Sarkaal oo cadowga la shaqeeya, wax badan ayuu halayn karaa. Dowladda waxaa laga rabaa inay hubsato Saraakiisheeda.”

Isagoo la hadlaayay Warbaahinta gudaha, ayuu soo jeediyay in Dowladdu kordhiso baaritaanada ay ku sameyneyso Saraakiisha, iyadoo xusulada loogu joojinayo amniga goobaha ay Dowladdu gacanta ku hayso.

Hadalka Korneyl Roobow waxa uu ku soo aadayaa, xilli toddobaadkii hore Magaalada Muqdisho lagu xir xiray Saraakiil badan, oo laamaha ammaanka ka tirsan.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.