Nabadsugida oo shaacisay magacyada saraakiisha loo xir xiray qaraxyadi…

images (5)Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka (NISA), ayaa shaacisay Magacyada iyo Darjooyinka Saraakiishii u fududeysay Kooxda Al shabaab Weerarkii Hotel SYL ee Muqdisho.

Tiro ahaan waxay gaarayeen Saraakiishan 11, waxayna isagu jiraan Boolis iyo Nabad Sugida si hoose ula shaqeynayay Kooxda Al shabaab, una fududeyn jireen Weerarada Muqdisho.

Maxa’ed Daahir, Taliyaha Ciidanka Booliska Degmada Hodon
Maxa’ed Ismail Indha Gorey, Taliyaha Qeybta Waliyow Cadde
Cali Shiine,Taliyaha qeybta Galbeed
Bashiir Janig, ku xigeenka Taliye ku xigeenka Booliska Hodon
Mahada C/xakiin (Mahad Korow), Taliyaha Nabad Sugida Degmada Wardhigley
Maxa’ed Qadar Maxa’ed Xasan, Taliye ku xigeen Nabad Sugida Degmada Waaberi
Xasan Daahir, Taliyaha Howlgelinta Nabad Sugida
C/fitaax Aadan Biid, Taliyaha Gaashaan
Iyo Labo Askari oo kamid ah Ciidanka Taraafikada Soomaaliya.

Sidoo kale, Warar aan wali si rasmii ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in General Maxamed Yuusuf Cumar (Madaale), Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, uu kamid yahay Saraakiishan xiran.

Waxaa Shalay loo wareejiyay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, iyadoo la filayo in Maxkamad lasoo taago si loogu qaado Denbiyadii ay ka galeen dalka, kadib Baaritaanka socda.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.