Habacsanaan ku timid howlihi Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Muungaab

Habacsanaan xoogan ayaa laga dareemayaa xiligan howlihii maamulka Gobolka Banaadir, kadib markii ay soo baxeen wararka sheegaya, in M/weyne Xasan Shiikh uu damacsanyahay inuu xilka ka qaado Ggudoomiyaha Gobolka Xasan Muungaab.

Kadib markii uu soo baxay warka sheegaya, in xilka laga qaadayo gudoomiyaha Gobolka, ayaa taas waxay keentay in habacsanaan laga dareemo howlihii maamulka Gobolka oo awalba liitay.

Howlaha maamulka, ayaa hada kusoo koobmay oo kaliya, ciidamada Minishiibiyada oo wadooyinka iyo Laamiyada Muqdisho ku baacsada Mootooyinka (Bajaajta), iyo Canshuuro meeleey kasocdaan iyo meeleey usocoto la aqoon oo lagu soo rogay Ganacsatada Muqdisho.

Qaar kamid ah Gudoomiyaasha degmooyinka, ayaa iyana lacago iskood ah kusoo rogay, dadka dagan hareeraha wadooyinka Muqdisho qaar, iyagoo sheegay in lacagtaas ay ku dhisayaan wadooyinka bur bursan.

Dadka degan degmada Hodan, ayaa dhawaan kulan ka dhacay xaruunta degmada, waxaa lagu soo rogay gurigiiba inuu bixyo 300$, si wadooyinka loogu dhiso hadii ay bixin waayaana, waxaa loogu goodiyay in la xiri doono.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.