Uganda oo ciidamo dheeraad ah usoo direysa Soomaaliya

10678611_764570990248535_855977339962642237_n

Doowlada Uganda ayaa ciidamo dheeraad ah usoo direysa Soomaaliya, kuwaasoo kamid noqon doona Howlgalka ciidamada nabad ilaalinta Soomaaliya.

Uganda ayaa sheegtay in ciidamo gaaraya 17,000 ay dhawaan imaan doonaan Muqdisho, kuwaasoo qaar kamid ah ay ka qeyb qaadan doonaan xaqiijinta amaanka Caasimada, halka kuwo kalena loo daabuli doono gobolada dalka.

Askartaan ayaa hada dhameesatay koorso tababar, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo aadan loosoo daabulo Muqdisho.

Wargeyska kasoo baxa Uganda ee lagu magacaabo New Vision, ayaa qoray in dhawaan Muqdisho ay tageen ciidamo Uganda kasocda.

Qaar kamid ah ciidamadaan, ayaa waxaa la qorsheeyay in la geeyo qeybo kamid ah Shabeelada Hoose.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.