Shir ku saabsan maalgashiga Somalia oo Nairobi ka furmaya

Ganacsade Saciid Abuukar Cadaan oo Nairobi lagu dilay
Ganacsade Saciid Abuukar Cadaan oo Nairobi lagu dilay

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaa beri ka furmaya shir ku saabsan maalgashiga Soomaaliya.

Shirkaan ayaa waxaa si wadajir ah usoo qaban qaabiyay Safaarada Mareeykanka iyo Bangiga Aduunka iyo sidoo kale mashruuca Shuraako.

Kulankan ayaa socon doona laba maalmood, iyadoo xooga lagu saarayo kobaca dhaqaalaha Soomaaliya, wanaajinta horumarka, fahamsiinta dadka Soomaaliyeed kheyraadka dalkooda ku jira iyo arrimo muhiim u ah dhiirri-gelinta ganacsiga Somalia iyo hay’adaha ajnabiga ah ee doonaya inay Soomaaliya maalgashadaan.

Wasiirka arrimaha dibadda Somalia, Cabdisalaam Hadliye Cumar oo saxaafadda la hadlay isagoo ku sugan Nairobi ayaa faahfaahin ka bixiyay muhiimmadda uu shirkan u leeyahay Soomaaliya.

“Muhiimad weyn ayuu leeyahay, waayo dalka Somalia dhisiddiisu dowladda kaliya uma baahna ee wuxuu u baahan yahay dadka Somalida, ganacsatada iyo aqoonyahanka, dibad-joogga Somalida ay isku tagaan, nin walba wuxuu tari karo uu sameeyo, fikirkana la isku geeyo si dalka dib loogu dhiso,” ayuu yiri Hadliye.

C/salaam Hadliye oo ka hadlay sababta shirkan loogu qaban waayay Muqdisho maadaama looga hadlayo maal-gashiga Soomaaliya ayaa sheegay inay habboon tahay dalka in lagu qabto wax walba oo Somalida khuseeya, balse inay jiraan daruufo gaar ah oo haysta dadka ajnabiga ah, ayna wanaagsan tahay in shirarkan natiijadiisa la fiiriyo.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.