Saraakiil & Gudoomiye ku xigeeno loo xiray qaraxyo dhacay

Somali government soldiers and AMISOM peacekeepers secure the scene of a suicide car explosion in front of the SYL hotel in Mogadishu

Ilo xog ogaal ah ayaa noo xaqiijiyay in saraakiil kale iyo Gudoomiye ku xigeeno loo xir xiray 2dii weerar ee ka dhacay Hoteelada SYL iyo Central ee magaalada Muqdisho.

Ilaa 12 sarkaal oo katirsan laamaha amaanka iyo 2 Ggudoomiye ku xigeeno, ayaa ilaa iyo hada la dhigay Xabsiga, iyadoo ay baaris ku wadaan ciidamada Nabadsugida Qaranka.

Saraakiishan ayaa waxaa la rumeeysanyahay, ineey wax ka ogaayeen weeraradaas, islamarkaasna ay Alshabaab u fududeeyeen, ineey si dhibyar ku fuliyaan qaraxyadaas dadka badan ku dhinteen.

Midnimo.com ayaa ogaatay in saraakiisha la xiray ay ku jiraan taliyaasha booliska ee degmooyinka Hodan, Waaberi iyo Xamarjajab. Sidoo kale illaa labo gudoomiye ku xigeen oo ka mid ah degmooyinkan ayaa iyaguna xabsiga la dhigay, kuwaa oo dhamaantood lagu tuhmayo inay ugu yaraan wax ka ogaayeen qaraxyada hotelka SYL ee dhacay 22 Janaayo xilli wafdi dawlada Turkiga ay joogeen hotelka isla markaana uu magaalada ku soo fool lahaa wafdi madaxweynaha Turkiga iyo qaraxii Central hotel ee dhacay 20-kii Febraayo ee ay ku dhinteen saraakiil iyo xildhibaano dawlada ka mid ahaa.

Xog hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in baaris ku socoto xubnaha la xirxiray oo su’aalo ay weydiineyso hay’ada nabadsugida. Lama oga in maxkamad la soo taagi doono sarraakiisha la xiray iyo in kale, walow aysan horey u dhicin in saraakiil loo xiro ama loo maxkamadeeyo masuuliyad darro iyo khiyaano amni darri keentay.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.