Dil fool xun oo xalay ka dhacay Baladweyne

Baladweyne
Baladweyne

Dil ay aad uga argagaxeen bulshada, ayaa xalay ka dhacay magaalada Baladweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraa, dilkaan ayaa waxaa loo geystay nin Nabadoon ah iyo wiil uu adeer u ahaa.

Dilkan ayaa ka dhacay Xaafada Howl-wadaag waxaana fuliyay rag ku hubeysnaa Biskoolado.

Nabadoonka oo caan ka ahaa guud ahaan magaalada, ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Axmed Siyaar Aadan, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay rasaastii lagu furay wiil uu dhalay iyo Xaaskiisa.

Ragga hubeysan ayaa la sheegay inay isku-weer ka qabteen guriga uu degenaa nabadoonka, kadibna u booday, waxaana intaa lagu daray in qolkii uu ka degenaa gurigiisa lagu jebiyay, dabadeedna la toogtay.

Wararka ayaa sheegaya in ragga hubeysan ee weeraray guriga Nabadoonka ay horay u sii kaxeysteen wiil uu adeer u ahaa, waxaana saaka meydka wiilkaas oo qoorta laga gooyay laga helay duleedka Beledweyn.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in goobta falkan ka dhacay aanay ka ag dhoweyn ciidamo ka tirsan dowladda, sidaas darteed ay ugu suura gashay kooxahan hubeysan inay guriga soo weeraraan, dabadeedna dil iyo afduub ka geystaan.

Ma jirto ilaa iyo hada wax war oo ka soo baxay Maamulka Gobolka Hiiraan, iyadoo weerarkan lagu dilay Nabadoonkan uu noqonayo mid ku cusub magaalada, marka loo eego qaabka ay u dhacaan dilalka.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.