Muqdisho: Saraakiil loo xir xiray weerarki Hotel SYL

Somali government soldiers and AMISOM peacekeepers secure the scene of a suicide car explosion in front of the SYL hotel in MogadishuMasuuliyiinta Soomaaliya ayaa xirxiray saraakiil sare sare oo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kaddib markii lagu eedeeyay inay la shaqeynayeen al-Shabaab.

Laba iyo toban sarkaal ayaa baaritaan uu ku socdaa, waxaana lagu eedeeyay inay gacan ka siiyeen al-Shabaab weerarkii ka dhacay hotelka SYL ee ku yaal magaalada Muqdisho, kaasi oo dhacay bishii Janaayo.

Wufuud ka socota dalka Turkiga ayaa joogay hotelka ka hor booqashadii uu ku tagay halkaasi Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Saddex qof ayaa lagu dilay weerarkaasi qaraxa ah oo ay sheegteen al-Shabaab.

  • Magacyada Saraakiisha loo xir xiray weerarkii SYL:
  • Korneyl Maxamed Warsame, oo ahaa taliyihii qeybta Waliyoow Cadde.
  • Korneyl Maxamed Shiino, Taliyihii qeybta Bariga Muqdisho.
  • Korneyl Maxamed Daahir Cabdulle, Taliyihii hore saldhiga Booliska Hodan.

Sidoo kale warar hoose oo aan la xaqiijin, ayaa sheegaya in saraakiisha la xiray, uu kujiro Taliyihii hore ee Booliska G.banadir, Jen. Maxamed Yusuf Cumar (Madaale).Sidoo kale waxaa kujira 2 kamid ah Ciidamada Ilaalada wadooyinka

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.