Nin la dhashay Shiikh Shariif oo Muqdisho lagu dhaawacay

Muqdisho
Muqdisho

Nin la dhashay madaxweynihii hore ee dawladii ku meelgaarka Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay koox hubeysan ku dhaawaceen magaalada Muqdisho kadib markii ay rasaas ku fureen.

Ninkan oo lagu magacaabo C/laahi Sheekh Axmed ayaa dabley ku weerartay gurigiisa oo ku yaalla xaafada Jamhuuriya ee degmada Kaaraan, iyagoo rasaas ku furay.

Ilo wareedyo ku dhow ehelka ninkan dhaawacmay ayaa sheegaya in dableyda ay doonayeen inay dilaan hase yeeshee Alle uu ka fakiyey, waxaana soo gaaray dhaawac.

C//laahi Sheekh Axmed ayaa hadda lagu daweynayaa mid ka mid ah isbitaalada Turkigu maamulo ee ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana soo wanaagsanaanaya xaaladiisa.

Ninka la dhaawacay ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa shaqaalaha la shaqeeya hay’adaha Turkiga, uuna degannaa magaalada Muqdisho tan iyo 2011 markaasoo uu ka soo laabtay dalka Koonfur Afrika.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.