Dhagaysto: Hooyo Soomaaliyeed oo Wiilkeeda lagu Haysto Dalka Liibiya

120214113205_libya_migrants_640x360_bbc_nocredit

Dadka tahriibayaasha ah waxa ay la kulmaan dhibaatooyiin aad u badan, kuwaas oo marar badan laga hadlay.

Saxaaraha u dhexeeya Sudan iyo Liibya oo ah meesha ugu badan ee ay maraan tahriibayaasha Bariga Afrika ka ambabaxa ayaa la sheegaa inay tahay wadada ugu dhibka badan.

Waxaa la sheegaa in dadka ku tahriiba halkaasi in la afduubto lagana qaato lacago madax furasho ah, waxayna arrintaasi ku dhacday dad badan oo Soomaali ah.

Sidoo kale kuwa ka badbaada halkaasi waxay maraan badda iyadoo qaar ay ku dhintaan halka kuwana ay ka gudbaan.

Baarlin Diiriye Nuur, waa hooyo dhashay wiil kamida dadka tahriibayaasha ah ee galay wadanka Libiya, waxaana la la’yahay meesha uu ku dambeeyay.

Dhowr jeer ayaa kooxo afduubtay wiilkeeda ay la xiriireen, waxayna weydiisteen lacag madaxfurasho ah.

1 COMMENT

  1. Liibayaanka waa Dad xun xun. maaha dad dalkooda la aado, dhalinyaradd Soomaaliyeed ee dhulkaasi u safaraya waa in looga digaa iney u safraan LIIBIYA. sababtoo ah waa dad aan aqoonin qiimaha iyo sharafta ay leeyihin yihiin muhaajiriinta magangelyo doonka ah ee dalkaasi u safrey.

    inta badan ee DAdka ama dhalinta Soomaalida ah oo kamid ah dad ka ajaanibta ah ee u safara waxay la kulmaan xaalad adag oo nololeed. taasi oo inta badan dhaxalsiisa ciqaabo jogta ah, jirdil, iwm. inta ay ku jiraan gacanta ciidamadda liibiya.

    Waxaa loo baahnaa goobahaasi iyo kuwa lamidka ah in loo diro safiir Soomaaliyeed, kaasi oo bad baadshqo dhalinta aan waxba la socon ee lagu qadlayo tahriibka.

    waxaa suuro gal iney jiraan, wana filayaa iney jiraan. dad badan oo soomali ah o ku xanibey xabsiyadda dalka liibiya.

    shacabkasi sida qaldan u galay gacanta dowladd liibiya, waa in loo soo cleiyaa xornimadooda. taasina waxay ku dhici kartaa in la helo safiir soomali ah oo ka howl gala dalka liibiya, isla mar ahaanta o doorsa xaaladda nololeed ee shacabka soomaalidda ah ee dalka liibiya joogo ku sugan yihiin.

    Safir ama wakiil soomaali ah oo soo tebiya ama soo sheega xaaladda nololeed ee muhaajirinta soomalidda ah ku sugan yihiin. wa iney dowladda u dirtaa.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.