Warar sheegaya in xilka laga qaaday Taliyaha Ciidamada Xooga

Warar hoose islamarkaasna aan lagu kalsoonaan karin, ayaa sheegaya in M/weyne Xasan Shiikh, uu xilka ka qaaday Taliyaha Ciidamada Xooga Jen. Daahir Aadan (Indho-Qarhse).

Wararku waxay sheegayaan, in Khilaaf soo jiitamayay una dhaxeeyay M/weynaha iyo Taliyaha ugu danbeyn ay keentay in xilka laga qaado Jen. Indho-Qarshe.

Jen C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan), ayuu doonayaa Madaxweyne Xasan Sheekh inuu Xilka u magacaabo, si loo helo Rag hore oo isla soo shaqeeyay, oo Dagaalka Al shabaab si fiican u yaqaana.

Hogaanka Ciidanka Militariga ayaa la rabaa in loo dhiibo Mas’uuliyiin Shaqad si fiican u yaqaano, waxaana loo xushay C/qaadir Cali Diini, oo Wasiirka Difaaca loo magacaabay iyo Dhaga-badan oo Ciidanka Xooga loo dhiibay.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.