Somalia Maxaa Ka Socdo Degmo Xeebeedka Warshiikh.

Warsheekh
coast town of Warsheekh

Degmada Warshiid oo ah magaalo xeebeed ka tirsan gobolka Shabelaha Dhexe ayaa waxaa ka soconaya horumar ay ku tallaabsanayso magaalada waxaana ka soconaya hirgalinta mashruucyo kala duwan oo la doonayo in lagu hormari.

Maamulka sare gobolka Shabelaha Dhexe ayaa ka bilaabay degmada Warshiikh hirgalinta mashruucyo badan oo ay kamid yihiin hirgalinta iskuulo, xarumo caafimaad iyo ceelal si ay dadka ku nool degmadaas ay u helaan adeegyada kala duwan ee bulshada.

Cali C/llaahi Xuseen oo loo yaqaanno Guudlaawe waa guddoomiyaha maamulka gobolka Shabelaha Dhexe wuxuu dhagax dhigay dhismooyin la doonayo in laga hirgaliyo degmada taariikhiga ah ee Warshiikh.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabelaha Dhexe Cali Guudlwaaye oo kulamo la yeeshay qeybaha kala duwan bulshada reer Warshiikh ayaa sheegay in degmada Warshiikh laga hirgalin doonno mashruucyo kale wuxuuna balan qaaday in la dhisi doono saldhiggii booliska iyo goobaha kale ee muhiimka u ah dadka reer Warshiikh islamarkaasna maamulkiisa Shabelaha Dhexe uu sii wadi doono mashaariicda horumarinta ah oo degmada Warshiikh heli doonto.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.