Sharciyada Villa-somalia oo aad loo adkeeyay

Villa-somalia
Villa-somalia

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada (Villa-Somalia) ayaa noo xaqiijiyay, in M/weyne Xasan Shiikh uu soo rogay sharciyo aad u ad adag.

Sharciyadaan uusoo rogay M/weynaha, ayaa waxay la xiriiraan saacadaha uu qaabilo dadka doonaya ineey la kulmaan isaga.

Tallaabadaan oo sii adkeeysay agaasinka Madaxtooyada, ayaa sabab u noqotay ineey baaqdaan kulamo badan oo uu Mweynaha la lahaa qaar kamid ah xilibaanada iyo siyaasiyiin.

Tallaabadaan ayaa waxaa lagu sheegay ineey tahay mid lagu xoojinayo amaanka Madaxtooyada oo dhowr mar Alshabaab weerareen.

Xilibaanada oo ah kuwa ugu badan ee uu qaabilo madaxweynaha, ayaa waxaa loo qoondeeyay in maalinka Khamiista oo kaliya ay la kulmaan, waxaana loo ogolyahay in 10 xilibaan oo kaliya ay la kulmaan.

Waxaa taas kasii daran in sharciyada ay kamid yihiin, in qofka doonaya inuu M/weynaha la kulmo uu marka hore is diiwaan galiyo, marka la gaaro waqtiga ballantana uu buuxiyo feel dheer oo ku qorayo ujeedada uu ula kulmayo M/weynaha.

Sidoo kale waxaa la joojiyay in xili Habeen ah uu M/weynaha qaabilo ruux, marka laga reebo kulamada uu isaga dalbado.

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.