Guri-ceel: Wasiirka Gaashaandhiga oo booqday fariisinka Ciidamada doowlada

Wasiirka Wasaaradda Difaaca Somaliya General C/qaadir Sheekh Cali Diini
Wasiirka Wasaaradda Difaaca Somaliya General C/qaadir Sheekh Cali Diini

Wasiirka Wasaaradda Difaaca Somaliya General C/qaadir Sheekh Cali Diini, oo maalintii saddexaad booqasho ku joogga Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, ayaa waxa uu maanta kormeeray Dugsiga Tababarka Ciidamada Militariga ee Harqaboobe.

Harqaboobe oo ku taala duleedka Guriceel, ayaa waxaa ku xareysan Ciidanka Militariga Dowladda, ee dagaalka looga soo saaray Magaalada Guriceel ee Xarunta Ahlu Sunada Dhexe.

Wasiirka oo khudbad u jeediyay Ciidamada Militariga, ayaa wuxuu kula dardaarmay inay iska ilaawaan wax la yiraahdo dagaal, isla-markaana ay xalka ku raadiyaan wada hadal iyo wada xaajood.

Wasiirka, ayaa sidoo kale Ciidanka Militariga ku amray in laga doonaayo inay noqdaan ciidan qaran, oo ku shaqeeya awaamiirta masuuliyiinta ka sareysa.

General Diini, ayaa afka ku ballaariyay in wada hadalo ay u soconayaan Madaxda Ahlu Sunada Magaalada Guriceel, isla-markaana ay maanta heshiis kala saxiixan doonaan, haddii waqtiga uu u saamaxo.

Mudada uu Wasiirku ku sugan yahay Magaalada Guriceel, ayaa waxaa laga dareemay xasilooni badan, iyadoo ay meesha ka baxday baqdintii laga qabay, in markale foodda ay is daraan Ciidamada Dowladda iyo Xoogaga Ahlu Sunna Wal Jameeca.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.