Nabadsugida: “Gacanteena ayuu ku jiraa Liibaan Xaaji”

Liban Haji Mohamed
Liban Haji Mohamed

War kasoo baxay Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa maanta si rasmi ah u sheegtay in ay gacanta ku hayso Liibaan Xaaji Maxamed oo ka tirsan kooxda Al-shabaab kaas oo dhowaan hay’adda Mareykanka u qaabilsan Sirdoonka gudaha ee FBI ay sheegtay in ay ku dartay liiska kooxaha Argagaxisada ah isla markaana Madaxiisa ay dul dhigtay lacag dhan 50,000 (Konton Kun) oo dollar.

Liibaan oo ah Soomaali American ayaa wuxuu ku dhex-jiray Kooxda Al shabaab oo uu katirsanaa, waxaana Dowladda Mareykanka ay ku eedeysay inuu Taageero siin jiray Al shabaab, sidaasi darteedna Halis ku yahay Amnigeeda.

Hay’adda Amniga Soomaaliya iyo Sirdoonka Mareykanka ayaa mudo Maalmo ah Dusha kala socday Dhaq-dhaqaaqa Liibaan, oo la sheegay in markii uu kasoo safray Gobolada Jubbooyinka oo kusii jeeday Muqdisho ay qabteen.

Liibaan oo 29 Jir ah ayaa wuxuu haystaa Dhalashada Dalka Mareykanka, wuxuuna ku noolaa oo Tagsiile ka ahaa Waqooyiga Magaalada Virginia ee Gobolka Washington, waxaana markii danbe lala xariirinayay inuu Tababaro siiyo Dhalinyaro oo uu usii diri jira Kooxda Al shabaab.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.